Ereyga Maanta: tafantoof
sahwisii  Qof wax illowsiin.
sahwisiin  eeg sahwisii.
sahwiyid  eeg sahwi². ld sahwin.
sahyuuni  Qof aaminsan sahyuuniyadda.
sahyuuniyad  Dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid diineed oo ku dhisan mabda'ujeeddadiisu tahay in Yuhuudda la ururiyo, la mideeyo oo loo helo meel la dejiyo.
sajaayad  Salli yar oo lagu tukado. ld sijaayad.
sajarasho  eeg sajaro.
sajaro  Qof aan dembi lahayn galaafasho.
sakaar  Bartamaha xabadka halka ay feeraha sare isaga yimaadaan.
sakaarjab  Legriix.
sakad  Daaro badan oo is haysta oo aan dariiq u dhexeyn. ld seked.
sakal1  Meel ciriiri ah. ld shakal¹. sakal2  Meel ciriiri ah wax gelin. ld shakal². sakalid  eeg sakal². ld shakalid.
sakar  1. Dhulbeereedka barna la abuurto barna la dego. 2. Oodda reerka iyo beerta u dhexaysa.
sakaraad1  1. Xanuun aad u daran. 2. S. ah: nafley xaaladdeedu aad u liidato oo geeri halis u ah. sakaraad2  Nafley jirran, wax naftu dhibayso noqosho. sakaraadid  eeg sakaraad².
sakareed  Tubaako shiidan oo xaashi qafiif ah lagu shubay oo la qiijiyo. ld sigaar.
sakati1  Cabsi yar shaki. sakati2  Si yar u nixid; naxdin yar iyo shaki dareemid. sakatin  ld sakatiyid.
sakatisan  Wax naxsan ahaansho (qof).
sakatisanaan  eeg sakatisan. ld saka-tisanaansho.
sakatisanaansho  ld sakatisanaan.
sakatiyid  eeg sakati². ld sakatin.
sakee  Hanti seko u bixin.
sakeyn  eeg sakee.
sakeysad  ld sakeysasho.
sakeysasho  eeg sakeyso. ld sakeysad, sakeysi, sekeysad, sekeysasho, sekeysi.
page : 19 of 118
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>