Ereyga Maanta: bedertami
talin  eeg tali. ld talis.
talis  ld talin.
talis-rageed  (bul.) Habka ay raggu leeyihiin awoodda sare, ama ay muhim u yihiin mujtamaca dhexdiisa.
taliswadaag  Kalo qaysashada awoodda.
taliye  Qof qayb ciidan ah madax u ah.
tallaab  Meel dhanka kale uga gudbid. ld tillaab.
tallaabi  Wax meel ka gudbin. ld tillaabi.
tallaabid  eeg tallaab. ld tillaabid.
tallaabin  eeg tallaabi. ld tallaabis, tillaabin, tillaabis.
tallaabis  ld tallaabin.
tallaabo  1. Fogaanta u dhexeysa meesha ay kala taagan yihiin laba lugood ee qof soconaya. 2. T. qaad: arrin wax ka qabasho. 3. (fk) T.t.: tartiib tartiib. ld tillaabo.
tallaabsad  ld tallaabsasho.
tallaabsaddex  1. Tallaabada ugu dheer. 2. Wax qof karaankiisa dhaafsan.
tallaabsan  Ka t.: wax meel kale ka shisheeya ahaansho.
tallaabsanaan  eeg tallaabsan. ld tallaabsanaansho, tallowsanaan, tallow-sanaansho.
tallaabsanaansho  ld tallaabsanaan.
tallaabsasho  eeg tallabso. ld tallaabsad, tallaabsi, tillaabsad, tillaab-sasho.
tallaabsi  ld tallaabsasho.
tallaabso  1. Tallaabo qaadid. 2. Ka t.: wax ama qof ka kor gudbid. 3. Ku t.: wax qabashadooda ku dhaqaaqid. 4. U t.: wax qabashadooda u gudbid. ld tillaabso.
tallaahi  (dii.) Erey lagu dhawaaqo marka la dhaaranayo.
tallaajad  Qaboojiye.
tallaal1  1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan. tallaal2  (daaw.) Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah. tallaal3  Tallaal ku samayn. tallaalan1  Wax la lallaalay noqosho. tallaalan2  Wax la tallaalay ahaansho. tallaalid1  eeg tallaal³. tallaalid2  (daaw.) Hab loo sameeyo ama loo kiciyo difaaca jirka oo liddi cudur ku ah iyadoo la adeegsanayo “tallaal”, ama diyaarin khaas ah ee walax antiijineed oo kicineysa sameynta antiiboodhiga ku ha-boon. tallaalmid  eegtallaalan¹.
tallaalnaan  eeg tallaalan². ld tallaal-naansho.
page : 17 of 60
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>