Ereyga Maanta: hirqad
xitaa  ld xataa.
xobbor  Qaarka sare oo horay u gota iin dhabarka gaartay awgeed.
xobboran  Wax xobbor yeeshay ahaansho.
xobbornaan  eeg xobboran. ld xobbornaansho.
xobbornaansho  ld xobbornaan.
xoday  Geed-quwaax xabag wanaagsan oo wax lagu daweeyo.
xodxodasho  eeg xodxodo².
xodxodo1  Qof dumar ah oo la jecel yahay ama guur laga doonayo, hadal soo jiida oo saamays weyn leh, oo lagula hadlo; shukaansi; kood. xodxodo2  Haweeney guur ku haasaawin. xog1  ld xoq¹. xog2  1. Arrin xaqiiqdeeda dhabta ah. 2. ld xoq¹. xog3  ld xoq³. xoghaye  1. Qof hawshiisu tahay in uu cid kale u hayo ama u agaasimo xafiis ay ka fulaan qoraallo raad-reeb leh. 2. Wasiir.
xoghayn  1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
xogid  ld xoqid.
xogmooge  X. ah: qof aan ogayn wax dhacay.
xogogaal  X. ah: qof si wanaagsan ula socda xog jirta ama sida wax dhacay u dhaceen.
xogogaalnimo  Xogogaal ahaan.
xogsasho  eeg xogso.
xogwaraysasho  eeg xogwarayso. ld xogwaraysi.
xogwaraysi  ld xogwaraysasho.
xogwarayso  Cid xog qar-soon weyddiin.
xogwarramid  eeg xogwarran². ld xogwarran¹.
xogwarran1  ld xogwarramid. xogwarran2  Arrin si tifaftiran uga war bixin. xoldhan  Wax la xoldhay ahaansho.
xoldhanaan  eeg xoldhan. ld xoldhanaansho.
xoldhanaansho  ld xoldhanaan.
xoldhid  eeg xolor.
xolod  Jirrid weyn oo qallalan oo labada af mid dab ka baxayo. Qori dab leh.
page : 47 of 60
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>