Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
xoog1  1. Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda. 2. (-gag, m.l) Ciidan. 3. (-gag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda. 4. (fiis.) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax. xoog2  (fiis.) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N). xoog3  1. Wax khasab ku qaadasho. 2. Haweeney kufsasho. xoog xuddun ujeed  Xoog xuddumeed le'eg, lidna ku ah jihada xoog xuddun ka-jeedka.
xoog-bah-isjiidad  (fiis.) Xoog isjiidadka ka dhexeeya atamyada iyo molikiyuulada ee walax keliya ku wada jira.
xoog-danabwade  (fiis.) (XDW) Keyd faraqa ugu weyn ee uu dhaliyo il-danab (sida baatari), una dhexeeya cidhi-fyada il-danabka. Xoogga danab wadidda isha danabka (baatari) waxaa si sahlan loo cabbiri karaa, marka aanu ku xidhnayn mareeg danab. Waxa lagu cabbiraa foolt (v).
xoog-xuddun-ka-jeed  (fiis.) Xoog xuddun ka-jeed. Xoog xuddumeed raadkiisa ladareemo marka baabuur aad saaran tahay uu jiiro galo. Waxa aad dareentaa in uu xoog ku jiidaya lidka jihada jiirada.
xoogaa  Waxaan badnayn; in yar.
xoogee  Wax xoog leh ka dhigid.
xoogeyn  eeg xoogee.
xoogeysasho  eeg xoogeyso.
xoogeyso  Xoog yeelasho.
xoogid  eeg xoog³.
xoogoobid  eeg xoogow². ld xoogow¹.
xoogow1  ld xoogoobid. xoogow2  Xoog yeelasho. xoogsasho  eeg xoogso. ld xoogsi.
xoogsato  Dad ku nool xooggooda wax ka soo baxa; muruqmaal.
xoogsi  ld xoogsasho.
xoogso  Wax tacbasho; shaqaysasho.
xoogxaraash  Qof ku shaqeeya wax yar nolol maalmeedkiisa.
xoogxaraashnimo  Xoogxaraash ahaan-sho.
xooji  1. (f.g) Wax xoog leh ka dhigid. 2. (f.mg) U x.: cid u shaqayn.
xoojin  eeg xooji.
xoolaaley  ld xoolaley.
xooladhaqasho  Hawsha dhaqashada iyo xannaanaynta qaar ka mid ah xoolaha caws-ka daaqa.
xooladhaqato  Dad reer guuraa ah oo hawshoodu ku kooban tahayn dhaqaalaynta xoolaha kuna nool wax-soosaarka xoolahoo-da. ld xoolaley.
xoolaggoo  U x.: qof cayroobay xoolo ku kaalin.
xoolaggooyo  ld xoolaggoyn.
xoolaggoyn  eeg xoolaggoo. ld xoolag-gooyo.
page : 49 of 60
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>