Ereyga Maanta: garbis
xoor1  1. Bahal dabacaddaha la bah ah; wuxuu leeyahay dhogor adag oo duf ah oo bey ah; aad wuxuu u laayaa halaqa, jiirka, kd., fudaydna looma dili karo. 2. ld xoor 2 (2). xoor2  1. Xumbo cad oo caanaha la lisay yeeshaan. 2. ld xoor 1 (2). Magac xiddi-good. xoor3  1. Wax tuurid. 2. Wax dhumin. xoori  Xoor yeelasho.
xoorid  eeg xoor³.
xoorin  eeg xoori.
xoorsato  Xoolo dhaqato hadba meel daaq cusub u doonata oo aan negaanaynin in badan; cosobsato.
xoosh  1. Cirro. 2. Daash, sida meel baabuurta la dhigta oo guriga raacsan.
xoox  Caanaha u horreeya oo laga liso ama laga nuugo candho irmaan.
xooxi  1. (f.g) Candho xoox ka maalid. 2. (f.mg) Candho irmaan xoox yeelasho.
xooxin  eeg xooxi.
xooxsad  ld xooxsasho.
xooxsasho  eeg xooxso. ld xooxsad.
xooxso  Candho xoox ka maalid.
xoq1  Beeyo qolof lagu fujiyo oo aan saafi ahayn. ld xog¹, xog², xoq². xoq2  ld xoq¹. xoq3  1. Wax ciddiyaha marmarin. 2. Wax hoolid. 3. Cusbo gaar ah carruur dabada ka gelin. ld xog³. xoqad1  ld xoqasho. xoqad2  1. (-do, m.l) Diirad, dooribeyn, biladaye. 2. Qun, xoqato. xoqado  eeg quman.
xoqasho  eeg xoqo. ld xoqad¹.
xoqato  Qalab yar oo bir ah oo af godan oo qumanka lagu xoqo.
xoqe  Qalab yar oo carruurta duburka looga xoqo.
xoqid  eeg xoq³. ld xogid.
xoqo  Meel jirka nafleyda ka mid ah oo cuncunaysa ciddi ama wax kale xoog ugu duugasho.
xor  1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shii-daad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.
xorayn  eeg xoree.
xoree  Cid xor ka dhigid.
xorgog1  Caato, wuxuu ku dhego aan laga fujin karin; wax ku koga ama isku qonbojiya. xorgog2  1. Nafley caatoobid. 2. Wax si ba'an ugu dhegid.
page : 51 of 60
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>