Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
xoolaley  ld xooladhaqato.
xoolatir  Qof cayr ka dhigid.
xoolatirid  eeg xoolatir.
xoolatirsasho  eeg xoolatirso. ld xoola-tirsi.
xoolatirsi  ld xoolatirsasho.
xoolatirso  Si diya ama mag loo bixiyo xoolaha reer ka tirin.
xoolayn  eeg xoolee.
xoolaysad  ld xoolaysasho.
xoolaysan  Wax la xooleeyey ahaansho.
xoolaysasho  eeg xoolayso. ld xoolaysad, xoolaysi.
xoolaysi  ld xoolaysasho.
xoolaysnaan  eeg xoolaysan. ld xoolays-naansho.
xoolaysnaansho  ld xoolaysnaan.
xoolayso  1. (f.g) Weel la tolay wax isticmaal u diyaar ah ka dhigid. 2. (f.mg) Xoolo yeelasho.
xoolee  1. Weel, dhig iwm asal, xayr iwm marin si loogu dhaqmo. 2. Cid xoolo u uruurin. 3. Godadka jarta, shaxda iwm dhagxaan ku ridid.
xoolo  1. Saddexda meesi oo la dhaqdo (geed, lo', ari). 2. Hanti; maal.
xoolo-ogaa  Qof ilaalinta xoolaha aad ugu feejigan. ld xoolo-ogaal.
xoolo-ogaal  ld xoolo-ogaa.
xoolo-ogaalnimo  ld xoolo-ogaannimo.
xoolo-ogaannimo  Xoolo-ogaa ahaansho (qof). ld xoolo-ogaalnimo.
xoolohunnay  Qof xoolaha marka uu raaco daayaca.
xoon1  1. Laxle. 2. Koox. xoon2  (c.nafl.) Sooloji ahaan, koox xaya-waanka ka mid ah oo iskusinji ah oo meel ku wada nool, noloshooduna iskuxidhantahay. Qaarkood sida shacaabiga iyo isboonjiga waxay iskaga dhegsanyihiin dusha, una shaqeeyaan sidii xayawaan keliya. Kuwu kalena, sida xoon cayayaanka dusha iskagama dhegsana, waxaanay leeyihiin urur-ro bulsho oo heer sare ah oo xubnahoodu shaqooyin kala duwan qabtaan. xoon3  Wadajir, wax ama meel isugu soo ururid, isu soo tuurid; shamuumid; heemasho. xoonsamid  eeg xoonsan¹.
xoonsan1  Wax meel ku uruursan ama tuursan noqosho. xoonsan2  Wax meel ku uruuray ama tuursan ahaansho. xoonsanaan  eeg xoonsan². ld xoonsa-naansho.
xoonsanaansho  ld xoonsanaan.
xoonshinniyeed  Shinni fara badan oo meel ku wada nool.
page : 50 of 60
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>