Ereyga Maanta: hirqad
xolodho  Xalleefato.
xolor  Wax hoos ka xoldid.
xolxol  Meel daloosha oo laba baal ama laba lakab dhexdooda ah. ld xexeb, xoxob.
xood1  1. Ul yar; dhenged. 2. Xoodamis; salaax. xood2  1. Xoodamis; salaax. 2. Hab ceelasha qaarkood loo shubo. xood3  Xarig iwm oo dabacsan togid. xood-taabte  (xis.) Garaaf fansaar tanjent. Kulannada kartis ee y=tanx waa xood kalgal ah oo leh laamo kala baxsan oo mid kasta leh bar rogmad halka dhibibka-x kuna laacsan xarriiqyada x=+ , + 3 , + 5 iwm.
xoodaami  Jir nafley salaaxid.
xoodaamin  eeg xoodaami.
xoodan1  Wax la xooday noqosho. xoodan2  Wax la xooday ahaansho. xoodasho  eeg xoodo.
xoodbeeg  (xis.) Xoodbeeggu waa fogaanta u dhexeysa xoodka iyo kulmiska oo loo qaybshay fogaanta u dhexeysa xoodka iyo jeedshaha. Nooca toobineed waxa uu ku xiranyahay qiimaha saamiga halbeegga (e). Marka e<1 toobi-needku waa qabaal; marka e=1 toobineedku waa saab iyo marka e>1 toobineedku waa labo saab.
xoode  Xarig sida badan saan ka samaysan oo dhigaha kor looga xiro.
xoodi  ld xoodaami.
xoodid  eeg xood³.
xoodin  eeg xoodi.
xoodmid  eeg xoodan¹.
xoodnaan1  eeg xoodan². ld xoodnaan-sho, xoodsanaan, xoodsanaansho. xoodnaan2  1. Dhakhsaha isbeddelka ee jihada xood halka bar gaar ahaneed ee xoodkaasi. 2. Rogaalka gacanka goobada, taas oo, si aad ah ugu ekaaneyso xood halka bar la isa siiyey. xoodnaan3  (xis.) Summad k. Dhaqsaha isbeddelka ee tiirada taabtaha ee xood, marka loo eego fogaanta ku dhereran xoodka. xoodnaansho  ld xoodnaan¹.
xoodo  1. (f.g) Xarig iwm oo dabacsan togid. 2. (f.g) Ceel si xood ah u shubid. 3. (f.mg) U x.: salaax ku raaxaysasho.
xoodsad  ld xoodsasho.
xoodsan  ld xoodan².
xoodsanaan  ld xoodnaan.
xoodsanaansho  ld xoodnaan.
xoodsasho  eeg xoodso. ld xoodsad, xoodsi.
xoodsi  ld xoodsasho.
xoodso  1. (f.g) Nafley salaaxasho. 2. (f.mg) Nafley salaax u bogid.
page : 48 of 60
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>