Ereyga Maanta: dabaylwac
xorgogid  eeg xorgog².
xorgogsan  Wax xorgogay ahaansho.
xorgogsanaan  eeg xorgogsan. ld xorgo-gsanaansho.
xorgogsanaansho  ld xorgogsanaan.
xorjab1  ld xorjabid. xorjab2  Xor duuduub yeelasho. xorjabid  eeg xorjab². ld xorjab¹.
xornimo  Xor ahaan; xurriyad.
xoroobid  eeg xorow.
xorow  Xor noqosho.
xorre  1. Cudur fasas leh oo ku dhaca faraha fooddooda oo xanuun badan leh. 2. ld xarre.
xorriyad  Madaxbannaani. ld xorriyo.
xorriyo  ld xorriyad.
xorshosh  Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaan-tood. ld xorshosho.
xortol1  ld xortolid. xortol2  Laba maro iwm xortooda isku tolid. xortolan  Wax la xortolay ahaansho.
xortolasho  eeg xortolo.
xortolid  eeg xortol². ld xortol¹.
xortolnaan  eeg xortolan. ld xortol-naansho.
xortolnaansho  ld xortolnaan.
xortolo  Dhar, haan iwm dhexda ka tolasho.
xoryeel1  Nin addoon ahaa oo la xoreeyey. xoryeel2  Haweeney addoon ahayd oo la xoreeyey. xoxob  ld xexeb, xolxol.
xubbi  Jacayl.
xubbul-yeeg  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min hal dhibic ku leh. ld yeeg.
xubeer  Wax aan hanti lahayn noqosho.
xubeerid  eeg xubeer.
xubeero  1. Baahi. 2. Cayrnimo.
page : 52 of 60
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>