Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
xanaf  Taag taag yaryar oo soofe iwm ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.
xanafi  Qof raacsan mad-habta Imaam Abu Xaniifa.
xanafiya  Mad-hab ka mid ah afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Abu Xaniifa.
xanan  Geed-yaryar ama ood qodax leh.
xanantayn  ld xadatayn.
xanantee   ld xadatee.
xananto  ld xadato.
xanatayn  ld xadatayn.
xanatee   ld xadatee.
xanato  ld xadato.
xandal   Miro qare oo la dubay.
xandho  Maal; hanti.
xandulle  ld xangulle.
xanfaf1  Nabarka ama dhaawaca cusub (siiba kan birtu gooysay) xanuunka halaca leh oo laga dareemo. xanfaf2   Dhaawac jirka meel ka mid ah gaaray awgiis xanuun dareemid. xanfafid  eeg xanfaf².
xanfal   ld xanfaley.
xanfaley  Sun ka dhalata biyaha ceelasha oo xoolaha aad u laysa. ld xanfal.
xanfaloobid  eeg xanfalow.
xanfalow   Wax xanfaley laysay noqosho.
xanfar  Dabayl bus wadata.
xanful   Badar la dubay oo bucday.
xangaruufad  ld xangaruufasho.
xangaruufasho  xangaruufo². ld xanga-ruufad.
xangaruufo1  Ciddiyaha oo wax lagu nabro, lagu xagto; xagatin. xangaruufo2   Ciddiyaha wax ku xagasho. xangeeyo  Geed yar oo laamo dhuudhuu-ban oo caano iyo xanjo wanaagsan leh.
xangulle1  Cad maskax yaryarta ka mid ah oo birtaawaha lagu masaxo marka canjeerada lagu dubaayo. ld xandulle, xangullo. xangulle2  (c.nafl.) Qayb ka mid ah sooh maskaxeedka oo ku dhex jira togga xiriirka lafdhabarka oo ka kooban unug maska-xeedyo iyo dareenwadayaal xiriiriya massa-da iyo jirka inta kale, wuxu ka sameysanyahay lakab sooh cas oo ku wareegsanyahay lakab sooh cad. xangullo  ld xangulle¹.
page : 19 of 60
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>