Ereyga Maanta: qaflad
xaniid  1. Tabadiin hilibkeeda si gaar ah tinnaar loogu dubay oo la qallajiyey. 2. Hilib kasta oo tinnaar lagu dubo oo la qallajiyo.
xaniin  Badar shiidan oo budada laga saaray.
xanjaad   1. Xayrta riciraha lafdhabarta, sida xanjada ugu dhegsan. 2. Lafdhabar xiriir, arxaan.
xanjaf  Laan yar oo jilicsan oo carruurta lagu tumo markii ay edebdarro sameeyaan.
xanjafee   Ilmo yar xanjaf ku tumid.
xanjafeyn  eeg xanjafee.
xanjeer   1. Maro yar oo carruurta lagu xambaaro. 2. Guntinta mara-da lagu xambaaro carruurta.
xanjeerad  ld xanjeerasho.
xanjeerasho  eeg xanjeero. ld xanjeerad.
xanjeero   1. Ilmo carruur ah xambaarasho. 2. Maro la guntanyahay kor u xaydasho.
xanjo  Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
xankakaabsad  ld xankakaabsasho.
xankakaabsasho  eeg xankakaabso. ld xankakaabsad.
xankakaabso   Qof cararaya wax daadsan gacan ka buuxsasho.
xankoobid  Nooc ka mid ah dhirta xabagta leh.
xannaanayn  eeg xannaanee.
xannaanee   1. Cid daryeelid. 2. Dhaqaalayn; hayn.
xannaano  Daryeel.
xannib1  Dhib; cadaadis; kadeed. ld xannibaad, xannibad. xannib2   1. Cid xayiraad u geysasho. 2. Dhibid; cadaadin; kadaadin. xannibaad  ld xannib¹.
xannibad  ld xannib¹.
xanniban1   Wax la xannibay noqosho. xanniban2   Wax la xannibay ahaansho. xannibid  eeg xannib².
xannibmid  eeg xanniban¹.
xannibnaan  xanniban². ld xannib-naansho.
xannibnaansho  ld xannibnaan.
xansas  Caw qallalan (oo dabka lagu shito). ld xansaso.
xansasho  eeg xanso.
page : 20 of 60
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>