Ereyga Maanta: xaadi
xalaalaysad  ld xalaalaysasho.
xalaalaysasho  eeg xalaalayso. ld xalaa-laysad.
xalaalayso  1. Wax aan xalaal ahayn xalaal ka dhigasho. 2. Hanti dad kale leeyahay isasiin.
xalaalee  Wax xalaal ka dhigid.
xalaalquute  1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
xalaawi  Macmacaan.
xaladhaley  X. ah: qof dembi, eed iwm ka barii' ah. ld xalaydhaley.
xalan  Wax la xalay ahaansho.
xalay  Habeennadii la soo dhaafay, kan ugu dambeeyay. ld xalayto.
xalaydhaley  ld xaladhaley.
xalayto  ld xalay.
xalfoof  1. Dhuun weyn oo salka baruur ku leh oo wadnaha ka dillaacda. 2. Wax kastoo gudo leh oo aan adkayn, ama korka ka adag iyagoo hoos iyo gudaha ka mootaan.
xalid  eeg xal².
xaliib  Cudur ku dhaca labada arooriye ee dhiigga qaada oo carrabka hoostiisa ah.
xaliiban  Caano dhay ah oo xoortii ka dhacday.
xaliilad  Magac la siiyo gabyaa ku xeeldheer curinta maansada.
xallaafato  Qalab bir ah oo af galoolan iyo daab qori ah leh oo marka geedaha la qorayo xanafta looga bi'iyo; xalleefato.
xallad  Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.
xalladee  Hadal dux iyo xiiso u yeelid.
xalladeyn  eeg xalladee.
xalleef  X. ah: wax aan qiro lahayn oo dhuuban.
xalleefato  Qalab ka kooban ul iyo bir godan oo labada dhanba af ku leh oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro.
xalleefi  Xalleef ka dhigid (wax).
xalleefin  eeg xalleefi.
xalleefsan  Wax xalleef laga dhigay ahaansho.
xalleefsanaan  eeg xalleefsan. ld xalleef-sanaansho.
xalleefsanaansho  ld xalleefsanaan.
xalli1  Maaro. xalli2  Mushkilo ama mas'alo xal u helid. xalli3  Nafley ama dad si saf ballaaran ah u socosho.
page : 14 of 60
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>