Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
xamdi1  Mahad; shugri; xamdinnaq. xamdi2  Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin. xamdinnaq1  eeg xamdi¹. xamdinnaq2  eeg xamdi². xamdinnaqid  eeg xamdinnaq².
xamdiyid  eeg xamdi².
xameyti  ld xammeeti.
xameyti-mareen  (c.nafl.) Dhuumaha xameytida ka soo qaada beerka.
xamiiq  Candhuuf.
xamiiqreeb  In yar oo biyo ah.
xamiiqreebid  Kabbasho.
xamiir  Qashinka badda ama webigu di-badda u soo saaraan.
xamil  1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. ld xamli.
xamli  Rar; qaad. ld xamil.
xammaag  Xoolo, wax dhammaaday ahaansho.
xammaagid  eeg xammaag.
xammaal1  ld xammaali. xammaal2  Dusha wax ku qaadid. xammaali  Qof ay shaqadiisu tahay in uu dusha wax ku qaado. ld xamaal¹, xamaali, xammaal¹.
xammaalid  eeg xammaal². ld xamaalid.
xammaalinnimo  Xammaali ahaansho. ld xamaalinnimo.
xammayn  eeg xammee.
xammaysan   1. Wax aad u ordaaya ahaansho. 2. Wax aad u raran ahaansho (gaadiid).
xammaysnaan  eeg xammaysan. ld xam-maysnaansho.
xammaysnaansho  ld xammaysnaan.
xammee   1. Xoolo rar saarid. 2. Baabuur iwm kicin si uu u kululaado.
xammeeti  (c.nafl.) Dareere alkaliin oo midabkiisu huruudcagaaryahay, dhadhan qadhaadhna leh oo uu soo saaro beerku, laguna kaydiyo beerkutaasha. Waxay caawi-saa dheefshiidka iyo nuugista duxda taas oo burburisa siina yaryaraysa. Xammeetidu waxa kale oo ay nashaadisaa isku soo ururka muruqyada dheefmareenka oo loo yaqaan ubaaxin. ld xameyti.
xammis   Bun saloolid ama dubid.
xammisan   Bun wax la xammisey ahaansho.
xammisid  eeg xammis.
page : 17 of 60
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>