Ereyga Maanta: fullaacsan
xamaar  Ciid dhexdeeda wax ka raadin.
xamaarad  ld xamaarasho.
xamaarasho  eeg xamaaro. ld xamaarad.
xamaarato  Nafleyda inteeda xamaa-rasho ku socota: waxay leeyihiin lugo gaag-gaaban oo gummudyo la moodo (diin, ya-xaas, kd.).
xamaarid  eeg xamaar.
xamaaro  Ayadoo la dhabbacanyahay bog ku socosho.
xamaasad  1. Dareen xooggan oo nafsaani ah oo ka dhasha dhacdo beerqaad leh oo qofku muujiyo farxad, jidbo, yaab iwm. 2. Ficil.
xamakow  Geed aan dhulka ka kicin oo leh laamo buurbuuran oo wada hilib iyo biyo ah oo dusha kurtummo yaryar oo badan ku leh.
xamar1  X. ah: midab guduudan. xamar2  Raqay. xamash  Deegaan aad u baxday oo aan la daaqin.
xamasho  eeg xamo.
xambaar1  La bixidda gabar la guursanayo xoog lagula baxo. ld xambaarid. xambaar2  1. Wax dhabarka ku qaadid. 2. Ku x.: cid xumaan dhaxalsiin. 3. Gabar guur laga rabo xoog kula bixid. xambaarad  ld xambaarsasho.
xambaaraggudub  Tabaha legdanka nooc ka mid ah oo labada qof oo legdamaya midkood kan kale kor u qaado oo dhulka ku dhufto.
xambaaran  Wax la xambaaray ahaansho. ld xambaarsan.
xambaarasho  eeg xambaaro. ld xam-baarsasho.
xambaarid  eeg xambaar². ld xambaar¹.
xambaarnaan  eeg xambaaran. ld xambaarnaansho, xambaarsanaan, xam-baarsanaansho.
xambaarnaansho  ld xambaarnaan.
xambaaro1  Dhabar wax ku qaadid, dhabarka wax lagu qaado. xambaaro2  1. Wax dhabarka ku qaadasho. 2. Gabar la guursa-nayo xoog kula bixid. ld xambaarso. xambaarsad  ld xambaarsasho.
xambaarsan  ld xambaa-ran.
xambaarsanaan  ld xambaarnaan.
xambaarsanaansho  ld xambaarnaan.
xambaarso  Wax dhabarka ku qaadasho. ld xambaaro.
xambali  1. Nin rumaysan ama raacsan mad-habta Xambali. 2. Afarta mad-hab ee diinta islaamku u qaybsan tahay middood.
xambus  Jajab qoryo ama saalo.
page : 16 of 60
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>