awooddarri ld awooddarnaan.
awooddarro ld awooddarnaan.
awoode (dii.) Haddii aad dhinca Illaah fiiriso, waxaad ula jeeddaa, in uu wax kasta ka awood badanyahay.
awoodid eeg awood².
awoodla'aan Wax aan awood lahayn; tabardarro; karti la'aan. ld awoodla'aansho, awoodli'i.
awoodla'aansho ld awoodla'aan.
awoodli'i ld awoodla'aan.
awoodsii Cid karti ay wax ku qabato u yeelid.
awoodsiin eeg awoodsii. ld awoodsiis.
awoodsiis ld awoodsiin.
awoowe 1. Aabbaha aabbihiis ama hooyada aabbaheed. 2. u.j: awoowow! 3. u.j: wiilka aan awoowaha u ahayow!; gabadha aan awoowaha u ahayey! ld awow.
awow ld awoowe.
awqoosi Gacan yaraha hargaantiga, marka uu herinta la joogo.
awr (awr, m.dh) 1. Geela kiisa lab; rati. 2. A. cirka: urur xiddiga ah oo qaab rati leh.
awradhale ld awrdhal.
awradhaye Nagaar xooluhu daaqaan oo dhirta daawada leh ka mid ah.
awrdhal 1. Awrka markastaba hasha qurbac ka dhalo. 2. Hal da' kasta qurbac dhasha. ld awradhale.
awrdhaw1 1. Rimmay gacmeeda lagu sameeyo geedaha aan labeebka ahayn sida timirta; faxlid. 2. ld awrdhebid. awrdhaw2 Geedaha aan labeebka ahayn sida timirta iwm rimay gacmeed ku samayn; faxlid. awrdhebid eeg awrdhaw². ld awdhaw¹ (2).
awrqaad ld uurqaad.
awtaamid eeg awtaan.
awtaan Cid aan laga aarsan karin habaarid.
awtomaatig Qalab isawada oo iskiis u shaqeeya. ld awtomaatiko, otomaatig.
awtomaatiko ld awtomaatig.
ax Cod lagu muujiyo xannuunka ama xaqiraad.
axaaddiis eeg xaddiis.
axad1 Qof; ruux. axad2 Maalmaha toddobaadka mid ka mid ah oo u dhexeeysa sabtida iyo isniinta. axadeysasho eeg axadeyso.
page : 71 of 75
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 >