kuurkuursi ld kuurkuursasho.
kuurkuurso Iyadoo la fadhiyo dhaqdhaqaaqid ama nuuxnuuxsasho.
kuus1 1. Wax buuran ama qaab kankoonsan leh. 2. K. lacag ah: lacag badan oo wax qiimo leh goysa. kuus2 Wax badan meel yar isugu keenid. kuusad Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
kuusan1 1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. kuusan2 1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. kuusid eeg kuus².
kuusin Mayrax iwm oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
kuuskuus Dhoobo iwm dhawr waxyaabood oo qaabab kankoonsan leh ka sameyn.
kuuskuusid eeg kuuskuus.
kuusmid eeg kuusan¹.
kuusnaan eeg kuusan². ld kuusnaansho, kuusni.
kuusnaansho ld kuusnaan.
kuusni ld kuusnaan.
kuuti Si aayar ah u socosho.
kuutin eeg kuuti. ld kuutis.
kuutis ld kuutin.
kuutiyad Doonyo waaweyn oo qonjadda u eg oo dalka Hindiya lagu sameeyo.
kuwa eeg ka¹.
kuwaa ld kuwaas.
kuwaaga eeg kaaga 1 / taada¹.
kuwaantam (fiis.) Qaybta ugu yar ee tamar, lagana heli karo kaah birlabdanabeed leh rakaad go'an. Mar kasta, tamarta kaah birlabdanabeedku waa dhufsanaha kuwaantum.
kuwaartsayd (jool.) Dhadhaabo aad u kakan oo ka kooban kuwaarts (badan 90% ma ka) waxayna ka samaysantaa dhagax bataax; kuwaartsaydku daldaloolo ma laha sida dhagax bataax.
kuwaas eeg kaas¹. ld kuwaa.
kuwaatis (jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.
kuwama eeg kuma, tuma¹.
kuwan eeg kan¹.
kuwayaga eeg kaayaga 1 / taayada¹.
kuwayga eeg kayga 1 / tayda 1.
page : 72 of 73
<< < 67 68 69 70 71 72 73 >