Ereyga Maanta: caynaano
xaydaan1  Ood ama dhismo wareegsan. xaydaan2   Wax xaydaan loo sameeyay noqosho. xaydan   Maro iwm wax la xayday ahaansho.
xayddaan   Ood ama dhismo wareegsan.
xaydhayn  (fiis.) Isticmaalka saliidda, xaydha iwm, si loo yareeyo xoogga isliska ee ka dhexeeya dulaha istaabanaya, loogana hortago daxalka.
xaydid  eeg xayd.
xaydnaan  eeg xaydan. ld xaydnaansho.
xaydnaansho  ld xaydnaan.
xaydo   Maro la guntanyahay kor u qaadasho.
xayeeshi  Nafley gurijoogto, caato ah.
xayeesi  Caato; weyd.
xayeesinnimo  Xayeesi ahaansho.
xayi  X. ah: qof waxtar ah ama firfircoon.
xayir   Wax socodkooda ama fuliddooda is-hortaagid.
xayiraad1   Xayirmid. xayiraad2   (taar.) Is-hortaag dhaqaale oo la xiriira joojin ganacsi, dhaq-dhaqaaqa maraakiibta si looga joojiyo dal isdhaafsiga ganacsiga uu la leeyahay dalalka kale. xayiran1  ld xayirmid. xayiran2   Wax socodkooda ama fulintooda la is-hortaagay noqosho. xayiran3   Wax la xayiray ahaansho. xayirid  eeg xayir.
xayirmid  eeg xayiran². ld xayiran¹.
xayirnaan  eeg xayiran³. ld xayir-naansho.
xayirnaansho  ld xayirnaan.
xayl1  Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; caado; dhibaad. xayl2   Haweeney caado helid. xaylid  eeg xayl.
xayn  In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iwm oo wada jira; horin; koox.
xayndaab   Deyr; heeraar.
xaynoosh  X. ah: mid aad u cad.
xayo  Xishood.
page : 32 of 60
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>