Ereyga Maanta: sibirayn
abbaarsiin  eeg abbaarsii.
abbaato  Hor iyo a.: fal la sameeyo inta aan ujeeddo la lahaa lagu dhaqaaqin. Tus. “Inta aynaan badda aadin hor iyo abbaato aan shaah cabno”.
abbaay  ld abbaaye.
abbaay abbaay  Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).
abbaaye  1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.
abbaayguddoy  Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. ld ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.
abbaayo  ld abbaaye.
abbaseere  ld abaaseere.
abboow  ld abboowe.
abboowe  1. Waxa wiil u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan. 3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abboow, boowe.
abbuul  ld cambuul¹.
abdo  Qiimo; aayo; faa'ido; rajo.
abeer  1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.
abeesabbadeed  Nooc mallay badeedka la mid ah oo abeesada u eg.
abeesajilfaaley  Abeeso aad u weyn oo bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda. ld abeesojufaaley.
abeesalugaley  Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
abeesaxambaar  A. ah: ilmo ku jira marxaladdii gurguurashada.
abeeso  Nooc halaqa ka mid ah, halis ah, gaabiya oo leh madax weyn, barabaro iyo neef ay isku difaacdo oo hadba ciidda ay ku nooshahay midabkeeda yeelato.
abeesojufaaley  ld abeesajilfaaley.
abeesow  Cudur maqaarka dadka ku dhaca oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.
abguri  Abeeso aad u weyn oo waxaraha, bakaylaha, sagaarada iwm. liqda.
abhi  Qof maaggan in uu cid dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid. ld ahbi.
abhin  eeg abhi. ld abhis, ahbin, ahbis.
abhis  ld abhin.
abid  ld abad.
abiid  ld abad.
abitey  Warqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
abjac  A. ah: qof madax adag oo garmaqaate ah.
abjacnimo  Abjac ahaansho (qof).
abjad  Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.
page : 13 of 75
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>