Ereyga Maanta: firikhi
bur3  Biyo aad u karkarid. bur4  1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid. buraambur1  Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan. buraambur2  1. Buraambur tirin. 2. Buraambur ciyaarid. buraamburid  eeg buraambur².
buraash1  1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid. buraash2  Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn. buraashad  Weel yar, macdan ah, ubbada u eg oo biyaha lagu qaato.
buraashan  Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.
buraashid  eeg buraash². ld buraash¹ (2).
buraashnaan  eeg buraashan. ld buraashnaansho.
buraashnaansho  ld buraashnaan.
burabbahalaad  (daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. ld burobahalaad.
buracaanood  (daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
burad  ld buruud.
buraddee  U b.: cid wax siyaada ah siin.
buraddeyn  eeg buraddee. ld buraddeys.
buraddeys  ld buraddeyn.
buraree  ld buree.
burareyn  ld bureyn.
burareys  ld bureyn.
buray1  ld buro¹. buray2  ld buro². burbur1  1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2). burbur2  Wax is haystay, cadad yaryar u kala jebid. ld burur² (2). burburi  Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. ld bururi (2).
burburid  eeg burbur². ld bururid.
burburin  eeg bururi. ld burburis (2), bururin, bururis.
burburis  1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. ld burburin.
burbursad  ld burbursasho.
page : 99 of 108
<< < 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 > >>