Ereyga Maanta: tefiir
burbursan1  B. ah: caanaha lo'da ama ariga markay fariistaan. burbursan2  Wax la burburiyey ahaansho. ld burursan (2). burbursanaan  eeg burbursan. ld burbursanaansho, burursanaan, burursanaansho.
burbursanaansho  ld burbursanaan.
burbursasho  eeg burburso. ld burbursad, burbursi, burursad, burursasho.
burbursi  ld burbursasho.
burburso  Wax is haystay ilkaha ku jajabsasho. ld bururso.
burcad1  Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin. ld bocor¹ (1). burcad2  Koox tuugo ah, hubeysan oo dadka laaya, dhacana. burcadnimo  Burcad ahaansho.
burcayd  Jaad ka mid ah libaax badeedka waaweyn. ld bircayd.
burciid1  In yar oo carro ah oo is haysta. burciid2  Meel bannaan oo ciid jilicsan leh. burco  Meel bannaan, dhulkaa intiisa kale in yar ka sarreysa oo ciid jilicsan leh.
burdad  ld burdaddo.
burdaddo  (bot.) Geed nagaar faalala leh caleemo yaryar iyo bari macaan oo la cuno. ld burdad.
burde  Qasiiddo nabi ammaan ah oo uu tirshey Maxamed Buusiri.
bure  ld bire.
buree  Nafley bur la dhicid. ld buraree.
bureyn  eeg buree. ld burareyn, burareys, bureys.
bureys  ld bureyn.
burgaanti  Budo daawo ah, qaraar, qasanta oo la isku qaras bixiyo. ld burkaanti.
burge  Fuley. ld burje.
burhaan  (dii.) Awood qarsoon, dhib iyo dheefba leh oo la rumaysan yahay in dad gaar ah Eebbe siiyo.
buri  1. (f.g) Nafley orodsiin si meel looga fogeeyo; eryid; cayrin. 2. (f.mg) Qof meel uu ku noolaa ama hawl ka hayey ka fogayn dhaliil awgeed. 3. (f.mg) U b.: cid sed dheeraad ah siin.
buri1  1. Cid weyso u dhawrnayd ka jebin. 2. Xeer jirey baabbi'in. 3. Xeer jirey ku xad gudibid. ld burri. burid  eeg bur². ld buris, buris².
burin  eeg buri. ld buris, burrin, burris.
burin1  1. (fals.) Ficil ama fikrad ka soo horjedda jiritaan shay. 2. (fals.) Nooc ka mid af diidmada, ama afkaar dhamaanteed ka soo horjeedda, wixii jiray dhamaan. buris1  ld burin, burin¹.
page : 100 of 108
<< < 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 > >>