Ereyga Maanta: gadaalabbar
buris2  ld burid. burjaan  Buur xeebta ku taal oo biyaha baddu ku simaan, kana gaddoomaan.
burje  ld burge.
burji  Heybad cidi leedahay oo dadka qaarkiis kaga baqaan ama ku xurmeeyaan. ld buruud.
burjiko  Qalab wax lagu karsado oo ka samaysan dhagax jilicsan ama bir leh, dhego la qabsado iyo meel kore oo dhuxusha lagu shubo. ld birjiko.
burjiwaasi  Qof maalqabeen ah oo shaqaalaha u shaqeeya aan siin wax u dhigma waxsoosaarkooda.
burjuwaasiyad  (siyaa.) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.
burkaanti  ld burgaanti.
burladduul  Nin caro dhaw, dagaal badan oo aan uurkuqaad lahayn.
burladduulnimo  Burladduul ahaansho.
burlaqan  Bur la qasaayo inta kuuskuusanta oo aan qasmin.
burloox  Cad soor ah oo la mariyo looxa qur'aanka inta aan wax lagu qorin.
burmad  Digsi yar oo hal qof wax loogu kariyo.
buro  Haan yar; aagaan. ld buray².
buro1  1. Hilib aan caadi ahayn, kuusan oo jirka naflayda meel ka mid ah ka soo baxa. 2. Sed dheeraad ah oo cid la siiyo. buro2  (daaw.) Bararid: astaamaha caanka ah ee halaamacoodka midkood; saddexda kale waxa weeye: kul, casaan, iyo xanuun. Meesha halaamacoodsan waxa bararka u keena ayadoo xididdada yaryarka ah ee dhiigga ka yimaado dhacaan la socdaan boroteyin oo ku urura unugyada dhexdooda. buro-qanjireed  (daaw.) Buro ka dhalata sooh qanjireed ama cad isu muujisa qaabka qanjirka.
burobahalaad  (daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.
burocaanood  (daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
burqad  ld burqasho.
burqasho  eeg burqo. ld burqad.
burqo  Biyo si xoog ah meel uga soo butaacid.
burri  ld buri.
burrin  ld burin.
burris  1. (-syo, m.dh) Dubbe. 2. ld burin.
bursad  ld bursasho.
bursaliid  Bur la rifaaqay oo saliid lagu dubay. ld bursariir.
bursariir  ld bursaaliid.
bursasho  eeg burso. ld bursad, bursi.
bursayn  Xabbado badan oo hal mar dad badani ridaan.
page : 101 of 108
<< < 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 > >>