Ereyga Maanta: kaahin
cadaadis-beege  (fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
cadaadis-ekeeye  (juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
cadaadis-gibileed1  (fiis.) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas. cadaadis-gibileed2  (fiis.) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa,0,1.01325,x 10 5 Baaskal (N/m2). cadaadis-hoose  (juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
cadaadis-qaybeed  (fiis.) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.
cadaadis-siimow  (baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
cadaadis-uumi  (fiis.) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
cadaadis-yar  (juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
cadaadsan  Wax la cadaadiyey ahaansho.
cadaadsanaan  eeg cadaadsan. ld cadaadsanaansho.
cadaadsanaansho  ld cadaadsanaan.
cadaawad  ld cadaawo.
cadaawannimo  Cadaw ahaansho.
cadaawe  1. Qof ama dad badan oo cid kale colaad iyo xumaan u haysa; cadaawe. 2. Qof aan naxariis lahayn. ld cadow.
cadaawo  Nacayb iyo colaad qof cid u hayo. ld cadaawad.
cadadaysan  ld cad-cadaysan.
cadadaysnaan  ld cadcadaysnaan.
cadadaysnaansho  ld cadcadaysnaan.
cadadee  ld cadcadee.
cadadeyn  ld cadcadeyn.
cadadi  Lacagta inteeda birta ah; qaddaaddiic; sanuud.
cadadoobid  ld cadcadoobid.
cadadow  ld cadcadow.
cadanyo  Cuncun oogada laga dareemo. ld cadayo¹, canaanyo, cananyo.
cadanyoo  Cadanyo dareemid. ld cadayoo, canaanyoo, cananyoo.
cadanyood  eeg cadanyood. ld cadayood, canaanyood, cananyood.
cadar  1. Wakhti daruuro badan oo aan da'ayn ay isku gudbaan fallaaraha iyo kulaylka qorraxda. 2. Xilli qabow oo aan roob da'ayn. 3. ld catar. Barafuun; catar.
caday  1. (caday, m.dh) Geed abaareed laamihiisa ama xididdadiisa ilkaha lagu nadiifiyo oo leh miro yaryar, gudguduudan, macaan oo la cuno. 2. (-yo, m.dh) Laan dhuuban ama xidid ilkaha lagu nadiifiyo; rumay.
cadayasho  eeg cadayo².
page : 14 of 95
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>