Ereyga Maanta: firikhi
cadayo1  ld cadanyo. cadayo2  Ilko caday ku nadiifsasho. cadayoo  ld cadanyoo.
cadayood  ld cadanyood.
cadbaar  (cadadbaar, m.l) (daaw.) Cad yar oo laga jaro xubin ka mid ah jirka si loogu baaro waynaysada waana habka ugu saxsan oo lagu sugo aqoonsiga kansarka.
cadcad1  Waxaro yaryar oo aan weli ababin. cadcad2  1. Ka c.: qof, qof kale ka firfircoon ahaansho. 2. Bar cadcad lahaansho. cadcadaysan  Wax la cadcadeeyey ahaansho. ld cadadaysan.
cadcadaysnaan  eeg cadcadaysan. ld cadcadaysnaansho, cadadaysnaan, cada-daysnaansho.
cadcadaysnaansho  ld cadcadaysnaan.
cadcaddaan  eeg cadcad. ld cadcad-daansho.
cadcaddaansho  ld cadcaddaan.
cadcaddee  Roob da'ay biyo aan badnayn oo aan rays fiican yeelan karin dhigid.
cadcaddey  Ubad xoolaad oo caano nuug ah.
cadcaddeyn  eeg cadcaddee. ld cadcaddeys (2).
cadcaddeys  1. Roob yar aan dhulka biyo dhigin. 2. ld cadcaddeyn.
cadcaddo  1. Nooc dhuugga ka mid ah, yaryar, leh midab cad oo meeshi uu ku dhego aan si sahlan uga kicin. 2. C. ah: roob yar oo aan dhulka biyo dhigin.
cadcadee  Wax gaballo yaryar ka dhigid. ld cadadee.
cadcadeyn  eeg cadcadee. ld cadadeyn.
cadcadoobid  eeg cadcadow. ld cadadoobid.
cadcadow  Wax cadcad ah noqosho. ld cadadow.
cadceed  1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meerayaasha kale ku meeraystaan, iftiin leh; qorrax. 2. Iftiinka qoraaxda ee barqada iyo galabta.
cadceed-dhac  Qorraxdhac.
cadceedsad  ld cadceedsasho.
cadceedsasho  eeg cadceedso. ld cadceedsad, cadceedsi.
cadceedsi  ld cadceedsasho.
cadceedsidhac  Qorraxsidhac.
cadceedso  1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
cadceedsoobax  Qorraxsoobbax.
caddaad  1. ld caddow 1. Cudur dadka ku dhaca oo oogadu cadcaddaato; baras. 2. Dhar midab baxay.
page : 15 of 95
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>