Ereyga Maanta: gadaalabbar
gurasho  eeg guro². ld gurad.
gurayn  eeg guree.
gurayo  Naag aan nasiib wanaagsanayn.
gurbaan  ld durbaan.
gurbi  Wax badan oo daadsan midba mar qaadid.
gurbin  eeg gurbi.
gurbood  Dhallaan; carruur.
gurdamid  eeg gurdan². ld gurdan¹.
gurdan1  1. Sharqanta ka yeerta orodka fardaha iwm. 2. ld gurdamid. gurdan2  Fardo iwm gurdan samayn. gurdanraac1  G. ah: raacidda wax ordaya la raaco iyadoo aan la hubsan. gurdanraac2  Iyadoo aan la hubsan wax ordaya raacid. gurdanraacid  eeg gurdanraac².
gurdowalaaq  Orgi aan gaarin da'dii uu riyaha ku rimin lahaa.
gurdowalaaqnimo  Gurdowalaaq ahaansho.
gure  1. Qarsin. 2. Fandhaal.
guree  Gaadiid guro u sameyn.
gureeyo  Geedka digirta marka uu laba dhegood dhaafo laamana uusan weli yeelan.
gurey  Nin gacanta bidixda uga isticmaal badan gacanta midigta.
gureyo  Naag gacanta bidixda uga isticmaal badan gacanta midigta.
gurgur  1. Aqal Soomaaliga inta aan qoriga iyo rarada ahayn. 2. Awr hayin.
gurgurshaa  Rati xoog leh, hayin ah oo gurgurka iyo maxasta la saaro. ld gurgurshe.
gurgurshe  ld gurgurshaa.
gurguurad1  ld gurguurasho. gurguurad2  G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda. gurguurasho  eeg gurguuro. ld gurguurad.
gurguuro  Gacmaha iyo lowyaha ku socosho (qof).
gurguurto  Cudur ummulaha ilmagaleenka kaga dhaca labada toddobaad oo u horreysa dhalmada.
guri1  1. Hooy; aqal. 2. G. ah: nafley heshay difaac ka celiya waxyeellada cudur horay ugu dhacay. guri2  1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.
page : 95 of 102
<< < 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 > >>