Ereyga Maanta: gadaalabbar
gunti2  U g.: cid maro hoos ugu xirid. guntid  eeg gunud².
guntiino  Maro ay haweenku xirtaan oo 4 yaardi ama ka badan ah.
guntin  1. eeg gunti. 2. In yar oo maro ama wax kale ah oo meel ku xiran. 3. Siriq.
guntin-dareen  (c.nafl.) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
gunto  1. (f.g) Wax si loo xafido meel ku xirasho. 2. (f.mg) Maro sabarka ku xirasho. 3. (f.mg) U g.: hawl qabashadeeda isu diyaarin.
gunud1  Meesha xarig ama laba ay isaga xirmaan. gunud2  Xarig iwm guntin u yeelid. gunuunuc1  Hadal hoos loo yiraahdo oo diidmo ku jirto. ld dunuunuc¹, gunuunus¹, gunuus¹. gunuunuc2  Hadal diidmo ku jirto hoos u dhihid. ld dunuunuc², gunuunus², gunuus². gunuunucid  eeg gunuunuc². ld dunuunucid, gunuunsid, gunuusid.
gunuunus1  ld gunuunuc¹. gunuunus2  ld gunuunuc². gunuunusid  ld gunuunucid.
gunuus1  ld gunuunuc¹. gunuus2  ld gunuunuc². gunuusid  ld gunuunucid.
gur  1. (f.g) Geedo, timo iwm jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) ld gur².
gur1  1. Gacanta bidix. 2. Gardarro. gur2  1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. ld gur² (6). guraabbaas1  1. Hadal badan oo aan murti lahayn oo qof carraysani ku hadlo. 2. ld guraabbaasid. guraabbaas2  Hadal badan oo aan murti lahayn oo caro ku jirto dhihid. guraabbaasid  eeg guraabbaas². ld guraabbaas¹ (2).
guraanti  1. Geri dheddig oo weyn. 2. ld guraati.
guraati  ld guraanti.
gurad  ld gurasho.
guran  1. Wax aan caano lahayn ahaansho. 2. Wax aan biyo lahayn ahaansho. 3. Wax weelkay ku jireen laga saaray ahaansho (cunno).
guran1  Geel aan irmaanayn; horweyn. guran2  Neef irmaan canihii ka dhamaasho. guranyo  Geedka diirta marka uu laba dhegood dhaafo oo laanna uusan weli yeelan. ld gureeyo.
page : 94 of 102
<< < 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 > >>