Ereyga Maanta: jaw
ilka-adag  Nooc kalluunka ka mid ah.
ilkacaddayn  eeg ilkacaddee.
ilkacaddee  Qosol yar iyo farxad ilkaha ka muujin.
ilkaddawaco  (daaw.) Cudur ilkeed, caruurta yaryar ku dhaca marka ilkaha u soo baxayaan; ilkow. ld ilkow.
ilkaysad  ld ilkaysasho.
ilkaysasho  eeg ilkayso. ld ilkaysad, ilkaysi.
ilkaysi  ld ilkaysasho.
ilkayso  1. Ilko yeelasho. 2. Meel la qabsasho.
ilkow  ld ilkaddawaco.
ilku-leeble  Qof la aaminsan yahay inuu nafleyda isha wax ku yeeli karo.
ilkuwareerto  ld ilikuwareertay.
illa'  Wax hal il lahayn ah.
illa'aan  eeg illa'. ld illa'aansho.
illa'aansho  ld illa'aan.
illaa  Eray yaab ku jiro. Tus. “Illaa Cali waa geesi!”. ld illayn (2).
illaabid  ld illoobid.
illaacayn  eeg illaacee.
illaacaysad  ld illaacaysasho, illaacaysi.
illaacaysan  Wax illaaco ku dhacday ahaansho.
illaacaysasho  eeg illaacayso. ld illaacaysad, illaacaysi.
illaacaysi  ld illaacaysasho.
illaacaysnaan  eeg illaacayso. ld illaacaysnaansho.
illaacaysnaansho  ld illaacaysnaan.
illaacayso  Cid il wax ku yeelid.
illaacee  Ilay; cunid; dhabataysasho.
illaaco  Waxyeello la aaminsan yahay inay ka timid il dad; dhabato; il.
illaawid  ld illoobid.
illan  Wax kabo gashan ahaansho.
illanaan  eeg illan. ld illanaansho.
illanaansho  ld illanaan.
page : 14 of 43
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>