Ereyga Maanta: dalankacee
illasho  eeg illo.
illayn  1. ld illeen. Eray hadalka lagu adkeynayo. 2. ld illaa.
illayse  ld illowse.
illeen  ld illayn (1).
illi  U i.: Cid kabo u gelin.
illin1  Meesha furan oo guryaha, xeryaha, qolalka iwm laga galo; irrid. illin2  1. (m.u) Biyaha indhaha ka yimaadda; ilmo. 2. ld illis. eeg illi. illintir  Hanti yar oo cid waxyeello loo geystay la siiy.
illintirsi  Qaan, ama deeq cid la siinayo oo xera kasta laga qaado neef ama ka badan.
illinyaqaan  Dabinkabood.
illis  ld illin² (2).
illo  Kabo gashasho.
illoobid  eeg illow². ld illaawid, illaabid.
illow1  Xasuus la'aanta loo yeesho wax hore loo yiqiin. ld illowsho. illow2  Wax hore loo yiqiin xasuusan waayid. illowsan  Cid, wax ay hore u tiqiin aan xusuusnayn ahaansho.
illowsanaan  eeg illowsan. ld illowsanaansho.
illowsanaansho  ld illowsanaan.
illowse  Laakiinse, hase yeeshee. Tus. “Beerta ayaan galay, illowse miro kama guran”. ld illayse.
illowsho  ld illow¹.
illowsii  Qof wax uu xasuusnaa maskaxdiisa ka saarid.
illowsiin  eeg illowsii. ld illowsiis.
illowsiis  ld illowsiin.
ilma-aayo  ld ilma-habreed.
ilma-abti  1. Nin iyo naag walaalo ah ilmaha ay dhaleen waxa ay isu yihiin. 2. Ilmo waxa ay u yihiin carruurta eedadood dhashay.
ilma-adeer  Ilmaha laba nin oo walaala ah ay dhaleen waxa ay isu yihiin.
ilma-eeddo  Ilmo waxa ay u yihiin carruurta abtigood dhalay.
ilma-habreed  Laba haween oo wada dheshay ilmahooda waxa ay isuyihiin. ld ilma-aayo.
ilmadow  Qof tabar yar oo taakulo u baahan.
ilmadownimo  Ilmadow ahaansho (qof).
page : 15 of 43
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>