Ereyga Maanta: gadaalabbar
isle'ekaansho  ld isle'ekaan.
islis1  Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca. islis2  (fiis.) Xoogga caabbinaya socodka dul marka loo eego dul kale oo ay is taabanayaan. islis3  Is xoqid. islisid  eeg islis³.
isloogan  Halkudhegyo qeexaya ujeeddo.
ismaahi  Qof wax maahsan iska dhigid.
ismaahin  eeg ismaahi. ld ismaahis.
ismaahis  ld ismaahin.
ismaalaakadeed1  Isku muujinta la isku muujiyo wax aan la ahayn iyadoo xaqiiqadii la qarinaayo. ismaalaakadeed2  Hadba si isu muujin iyadoo runtii la qarinaayo. ismaalaakadeedid  eeg ismaakaa-kadeed².
ismaandhaaf1  Isfahmiwaayid laba qof ama ka badan ka dhex dhacda. ismaandhaaf2  Laba qof ama ka badan isfahmiwaayid. ismaandhaafid  eeg ismaandhaaf².
ismaldhikhi  Xarrago iyo jiljileec aan la lahayn iska raadin.
ismaldhikhin  eeg ismaldhikhi. ld ismaldhikhis.
ismaldhikhis  ld ismaldhikhin.
ismaldhikhiye  Qof xarrago, jiljileec uusan lahayn iska doondoona.
ismale'eg  (xis.) Weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa “x waa ay ka weyntahay y”, iyo x < y waxa loo akhriyaa “x waa ay ka yartahay y”. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eq.
ismanshashuur1  ld ismashashuur1. ismanshashuur2  ld ismaashashuur². ismanshashuurid  ld ismashashuurid.
ismaquudiye  (baay.) Nooc nafaqada ka mid ah taas oo ah tamar laga soo dhiraandhiriyey qaadashada iyo dheefshiidka walxo organigga ah; caadi ahaan nudo xayawaan ama geed. Maxsuulka burburay ee dheefshiidka ayaa loo isticmaalaa samaynta walxaha orgaanigga ah ee uu u baahanyahay nooluhu. Xayawaanka oo dhami waxay cuntadooda ku helaan tabtan.
ismar  Caro darteed wax la kala garan waayid.
ismarid  eeg ismar.
ismaris  Rooti subag iyo macmacaan dhexda looga tiray.
ismaro  Caro fudud oo qof yeesho. ld ismaryo.
ismaryo  ld ismaro.
ismashashuur1  Xishood badan oo ismacnayni ku jirto. ld ismanshashuur¹.
page : 36 of 43
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>