Ereyga Maanta: gurguurto
jimleysad  ld jimleysasho.
jimleysasho  eeg jimleyso. ld jamleysad, jamleysasho, jamleysi, jim-leysad, jimle.
jimleysi  ld jimleysasho.
jimleyso  1. Wax si jumla ah u gadasho. 2. Xisaab isku darsasho. ld jamleyso, jumleyso.
jimlo1  Badeeco isku nooc ah, badan oo laysku iibsado. jimlo2  (xis.) Tiro xisaabeed oo laysu geeyey wadarteeda. ld jamlo, jimlad, jumlad, jumlo. jin1  1. Uun Eebbe oo ka duwan malaa'igta iyo Aadamiga, isugu jira caasi iyo caabud oo dadku uusan arki karin. 2. J. ah: wax isla eg. 3. J. ah: Qof dhib badan. jin2  Dhudhunka gacanta geestiisa calaacasha xigta. jinaab  Qof hurdaya shahwo sii dayn. ld junow², junub², junuub², junuun².
jinaabid  eeg jinaab. ld junoobid, junubid, junuubid, junuunid.
jinaabo  Qubays ku waajiba qof shahwo ka timid. ld janaabo, junow¹, junub¹, junuub¹.
jinaad  Ballaar; dhumuc; qiro; jurmi.
jinaaso  ld janaaso (3).
jinac  Cayayaan yaryar oo jaadad badan u kala baxa oo magangooyaha ka yar quraanyadana ka weyn; jirac. ld jirac.
jinaq  Bir yar oo qadhabi ah oo ragga gadhmadowga ah cirradu ku siibsiibo.
jinaw  1. Geedquwaax dheer oo cufan, caleen dhanaan oo la cuno leh. 2. J. ah: caano oo dhanaan noqday.
jinbad  ld jinbasho.
jinbasho  eeg jinbo². ld jinbad.
jinbo1  Awr madax adag oo aan la xiriiri karin. jinbo2  Awr xiriir goosasho; xiriirfuro. jinfo  Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka.
jinjin  ld jijin.
jinjingarayn  eeg jinjingaree.
jinjingaree  Turub la qaybinayo isla ekeysiin.
jinjingaro  Isla ekeysiinta turub la qaybinayo la isla ekeysiiyo.
jinni  1. Ilwaad; bilic. 2. (-iyo, m.dh) ld jin 1 (1).
jinnoole  Qof waalan ama caro badan.
jinqay  Jiis caane-nuug kobcay ah.
jinsi1  1. Asal nafley ka soo jeeddo. 2. Cayn; nooc; jaad. jinsi2  (nax.) Dabeecadaha kala duwan ee leh shakhsiyaad ama noolayaal isku dir ah (lab iyo dheddig).
page : 41 of 53
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>