Ereyga Maanta: firikhi
jiscimee  Wadaan jiscin u yeelid.
jiscimid  eeg jiscin².
jiscimo  ld jicsimo.
jiscin1  1. ld jicsin. Cuntada loo qaato safar ama socdaal; Sahay. 2. (-mo, m.dh) Xargaha wadaanta siddada looga dhigo midkood. jiscin2  Cunto safar ama socdaal loo qaato cid siin. jiso  Abaal marinta uu ka mutaysto qof fal uu sameeyey. ld jisad.
jisyad  ld jisyo.
jisyo  Canshuur muslinku ka qaadi jirey dadka ehelu kitaabka ah sida Kirishtaanka iyo Yuhuudda. ld jisyad.
jitaabi  Wax imtaxaanid. ld tijaabi.
jitaabin  eeg jitaabi. ld jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
jitaabis  ld jitaabin.
jitaabo  ld jitaabin.
jito  Caano baq noqday.
jix  ld kix.
jixi  U j.: dibi, dibi kale guulid.
jixin  eeg jixi.
jixinjix1  1. Naxariis; raxmad. 2. ld jixinjixid. jixinjix2  U j.: cid naxariis u yeelasho. jixinjixid  eeg jixinjix². ld jixinjix¹ (2).
jiyoofisiko  Barashada dariiqadaha fisikeed ee la xiriira dhismaha dhulka. Barashadaasi waa mid la xiriirta oogada dhulka, gibilka, iyo biyooleyda.
jocor  1. Subagga ka baxa caanaha geela. 2. Bocor; halcun; cudh.
johor1  Dibi ama orgi fil weyn oo caato ah. johor2  Wasaq, jilif iwm oo ay yeelato oogada dadka. ld joxor. johorad  ld jawharad.
jolob  In yar caano, badar, biyo iwm ah.
joodari  Gal weyn oo maro ah oo sariirta dherer la eg oo inta waxyaalo jilicsan sida cudbi, dhogor, isboonyo iwm laga buuxsho si gaar ah loo tolo, sariiraha la saaro oo lagu kor seexdo; koodari; kashkaash. ld goodari.
joof  Timo adag oo taagtaagan.
joog1  1. Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin. 2. (-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo. 3. ld jeeg (1). Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto. joog2  (juqr.) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago. joog3  1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho.
page : 46 of 53
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>