Ereyga Maanta: gawre
jiriir  ld jariir.
jiriiricaysan  Wax jiriirico hayso ahaansho.
jiriiricaysnaan  eeg jiriiricaysan. ld jiriiricaysnaansho.
jiriiricaysnaansho  ld jiriiricaysnaan.
jiriirico  Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca kolka dhaxan iwm la dareemo.
jiriiricoo  Jiriirico dareemid.
jiriiricood  eeg jiriiricoo.
jirin  eeg jiri.
jiririq  Cod ay sameeyaan xaya-waanka iyo cayayaanka qaarkood. J. dheh: jiririqleyn. ld jirriq.
jiririqlee  Jiririq samayn.
jiririqleyn  eeg jiririqlee.
jirjir  1. Dhabarka dadka iyo nafleya kale. 2. Labada dhinac ee feeraleyda midkood. 3. Mindi iwm dhinaca wax gooya, ma ahee dhinaca kale. 4. Webi, beer iwm gawgoo-da.
jirjirree  1. Dhabar u seexasho. 2. Dhabar u dabaalasho. 3. Qof hadba dhinac isu rogid.
jirjirreyn  eeg jirjirree.
jirjirroole  1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
jirme  (bot.) Geedgaab, qodax yaryar iyo caleemo balballaaran leh, dhulka buuralay-da ah ka baxa oo qoloftiisa wax lagu aslado. ld jirmo.
jirmi  ld jurmi.
jirmo  ld jirme.
jirnac1  Dhul goof noqday. jirnac2  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bisaliim, biish-bisaliim, saliim-bibiish. jirnax1  ld jiirnax¹. jirnax2  ld jiirnax². jirnicid  eeg jirnac².
jirniin  1. Abuuritaanka ay wax abuu-ranyihiin. 2. Habka xoolaha loo ilaaliyo. ld jirriin.
jirnixid  eeg jirnax².
jirraaq1  J. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. jirraaq2  Qof sakaraad ah oo naftu dhibayso noqosho. jirraaqid  eeg jirraaq². ld jirraaqis.
jirraaqis  ld jirraaqid.
jirraaqo  (c.nafl) Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn, madmadow, madax-yo waaweyn oo raxanraxan u socota; buu-lallo.
page : 43 of 53
<< < 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 > >>