Ereyga Maanta: firikhi
jirrab1  1. Dhibaato badan. 2. J. ah: meel maritaankeedu dhib yahay. 3. J. ah: qof dhiblow ah. 4. Tijaabo. 5. ld jirrabid. jirrab2  1. Cid dhibaato gaarsiin. 2. Ku j.: cid wax ku qasbid. 3. Wax tijaabin. jirrabaad  Dhibaato weyn.
jirraban1  Wax jirrab la mariyey noqosho. jirraban2  Wax jirrab la mariyey ahaansho. jirrabid  eeg jirrab². ld jirrab¹ (5).
jirrabmid  eeg jirraban¹. ld shirrab-mid.
jirrabnaan  eeg jirraban². ld jirrab-naansho.
jirrabnaansho  ld jirrabnaan.
jirran  Nafley wax jirro hayso ahaansho.
jirranaan  eeg jirran. ld jirranaansho.
jirranaansho  ld jirranaan.
jirrasho  eeg jirro².
jirri  ld jarri.
jirrid  Qaybta hore ee geedka ee xididdada ka sarraysa; sal; gun.
jirrid-maskaxeed  (daaw.) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
jirriin  ld jirniin.
jirriinsii  Wax abuurid.
jirriinsiin  eeg jirriinsii.
jirriq  ld jiririq.
jirriqaa  (c.nafl.) Cayayaan kabajaaga la bah ah oo afar lugood iyo baalal adag leh, dooggana cuna; warriiq.
jirriqjirriqlee  Ilko isku lisid; jiririq samayn.
jirriqjirriqleyn  eeg jirriqjirriqlee.
jirriqsad  ld jirriqsasho.
jirriqsasho  eeg jirriqso. ld jirriqsad, jirriqsi.
jirriqsi  ld jirriqsasho.
jirriqso  Ilko isku xoqid.
jirro1  Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun. jirro2  Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho. jirro-dhimireed  (daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
page : 44 of 53
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>