Ereyga Maanta: gurguurto
jimco  ld jamce.
jimcobarqadle  Xaflad weyn oo roobdoon ah oo lagu sameeyo siyaarada Sh. Yuusuf Al-Kowneyn. ld jimca-barqadle.
jimcoon  Xilli wax aan dhibaato badan lahayn ahaansho.
jimcoonaan  eeg jimcoon. ld jimcoonaansho.
jimcoonaansho  ld jimcoonaan.
jimee  Laba wax ama ka badan isla ekaysiin.
jimeysad  ld jimeysasho.
jimeysan  Wax laysla ekeysiiyey ahaansho (laba wax ama ka badan).
jimeysasho  eeg jimeyso. ld jimeysad, jimeysi.
jimeysi  ld jimeysasho.
jimeysnaan  eeg jimeysan. ld jimeysnaansho.
jimeysnaansho  ld jimeysnaan.
jimeyso  Laba wax ama ka badan isla ekeysasho.
jimic  1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.
jimicdarro  Jimci la'aan; naxariisdarro.
jimicsad  ld jimicsasho.
jimicsasho  eeg jimicso. ld jimicsad, jimicsi.
jimicsi1  ld jimicsasho. jimicsi2  1. Oogo daashay ama curuqday oo la kala bixbixiyo. 2. Hab gaar ah oo loogu talaggalay in oogada, siiba muruqyada, lagu dhiso oo lagu adkeeyo. jimicso  Jimicsi samayn.
jimiimic1  1. Cod geelu sameeyo marka uu diyaarka u yahay in laliso. 2. Rabitaan oo doonis jacayl ku jiro. jimiimic2  1. Geel jimiimic samayn. 2. Wax jacayl loo qabo samayntooda doonis. jimiimicid  eeg jimiimic².
jimirric1  Naxariis; turaal; jimiimic. jimirric2  U j.: cid naxariis iyo turaal u gelid. jimirricid  eeg jimirric².
jimlad  ld jimlo.
jimlee  1. Tiro xisaabeed isku darid. 2. Badeeco jimlo u gadasho. ld jamlee, jumlee.
jimleyn  eeg jimlee. ld jamleyn, jamleys, jimleys, jumleyn, jumleys.
jimleys  ld jimleyn.
page : 40 of 53
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>