Ereyga Maanta: gurguurto
jinsiyad  Dhalasho qaran ee cidi leedahay.
jinsiyadlaawe  Qof aan dhalasho qaran lahayn.
jiq  Meel geedo badan oo aan la dhex mari karin; hawd.
jiqil  ld jaqal.
jiqinjiqis  Meel dhir badan oo aan la mari karin; jiq.
jiqjiq  J. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah.
jir1  1. Oogada dadka. 2. Roob badan oo habeen da'a. jir2  1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale. jiraa  Wan gaboobay oo aan xoog iyo baruur midna u harin.
jiraab  1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
jiraal  ld jirid.
jirac  ld jinac.
jirbe  Nooc cawska ka mid ah oo lo'du aad ugu naaxdo.
jirdabixi  Geed si uusan dib ugu soo fufin xididkiisa siibid.
jirdabixin  eeg jirdabixi. ld jirdabixis.
jirdabixis  ld jirdabixin.
jirdeys  Xarig dawlis ah oo aad loo tidcay.
jirdil  (taar.) Xad ciqaab oo lagula dhaqmo koox, ama qof kale si xaq daro iyo xad gudub, sababo siyaasadeed ama mid diineed.
jirdobixin  ld jirdabixin.
jire  Ilaah; Eebbe.
jiri  1. Nafley roob ka okorin. 2. Jeri.
jiribaa  Cayayaan yaryar, duula, cadaad-ka fuula oo xilliga kaliisha qayliya.
jirid  eeg jir². ld jirrid.
jiriibbamid  eeg jirriibban². ld jir-riban¹ (2).
jiriibban1  1. Hadal hagag ah oo laysku celceliyo. 2. ld jirribamid. jiriibban2  Hadal hagag ah isku celcelin. jiriid  Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
jiriiddee  Jiiriddada buurid; hadba jiirid muujin.
jiriiddeyn  eeg jiriiddee.
jiriido  Shay raandhiis leh oo loo aayo.
page : 42 of 53
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>