Ereyga Maanta: tefiir
kuftin  Dhicidda horay loo dhaco jillaafo awgeed. ld kufid.
kug  Wax walba oo taagan, meesha ugu korreysa; dhako.
kuhaamid  eeg kuhaan².
kuhaan1  1. Habaar. 2. (-nno, m.dh) Qof gabayga ku habaarrama. 3. Kaahin. kuhaan2  1. Waxyaabo aan weli dhicin waxka-sheegid, ka warramid. 2. Cid gabay iwm ku habaarid. kuhaanlow  1. Nin ku dheer kuhaanka. 2. Gabyaa habaarkiisu kaco.
kujiye  (daaw.) Cudur muddo gaaban oo la isqaadsiiyo, kuna dhaca qaybta maskaxda iyo dareen-wadayaasha, waxaana keena baktiiri-yuumka la yiraahdo “cloridium tetani”. Infekshinku wuxuu ka yimaadaa nooca adkeysta ee baktiiriyada oo gaarta meel dhaawacan oo jirka ka mid ah, baktiiriyadu way badataa waxayna soo saartaa sun kicisa dareemayaasha oo muruqyada isku koojiya. Toddobamagaarto, teetano.
kul  Diirimaadka fallaaraha qorraxda iyo shidaal gubanaya bixiyaan oo jirka nafleydu kahdo.
kul-dahsoon  (fiis.) Summad L. Xaddiga kulka ee ay qaadato ama ay bixiso walax marka u weji-geddoon ku dhacayo, heerkulkuna yahay joogto. Sida weji-geddoonka adkaha uu noqdo hoor, marka heerkulku yahay barta dhalaashanka, ama weji-geddoonka hoorku uu noqdo neef, marka heerkulku yahay barta karka.
kul-daynaamika  (fiis.) Barashada xeerarka xukuma isu-rogidda qaababka tamarta, jihada uu kulku u gudbo iyo helitaanka tamar lagu qabto hawl.
kul-dhexdhexaadin  (fiis.) Tamarta la sii daayo hal mool oo beys ama asiidh ah la dhexdhexaadiyo.
kul-dhibib  (daaw.) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
kul-falgal  (fiis.) Tamarta la sii daayo ama la nuugo marka falgal kiimikaad oo dhammeystirani ka dhex dhaco xaddiyo moolan oo falgalayaal ah.
kul-gubash  (kiim.) Tamarta la sii daayo marka hal mool oo walax ahi ay si dhammeystiran u ogsidhowdo.
kulaal1  Dab ama wax la mid ah oo kulul oo inta loo dhowaado dhaxanta laysaga bi'iyo. kulaal2  Dab ag fariisasho si dhaxanta la isaga bi'iyo. kulaalaha-koonfureed  (juqr.) Barbar la-ahe lool, qiyaas ahaan 23° k, oo muujinaya dacalka ugu koonfureeya ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurka.
kulaalaha-waqooyi  (juqr.) Barbar la-ahe lool, qiyaas ahaan 23° w, oo tilmaamaya dacalka woqooyi ugu xiga ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurkii.
kulaalayaal  (juqr.) Gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaasoo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale, ahaan, laga helo.
kulaale  Dhulka u dhexeeya labada lool ee dhulbaraha hareeraha ka mara cimiladiisuna kulu-shahay.
kulaalid  eeg kulaal².
kulaanbeey  Ceesaamo yaryar; ugeyb.
kulan1  Isu imaadka dad meel isugu yimaadaan; urur; shir. ld kulanti. kulan2  (xis.) Urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeeg-sadaa. kulan3  Dad meel isugu imaansho ama ku shirid. kulannada Kaartis  (xis.) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaa-leyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.
kulanno-cidhifeed  (xis.) Bar ku taalla sallax loona muujin karo kulanno ahaan (r, theta)), taas oo theta ay tahay xagasha u dhexeysa dhidibka togan ee x iyo fallaadha ka bilaabanta unugga kuna dhammaata barta, r - na waa dhererka fallaadha.
kulansan  Wax kulmay ahaansho.
kulansanaan  eeg kulansan. ld kulansanaansho.
kulansanaansho  ld kulansanaan.
page : 66 of 73
<< < 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 > >>