Ereyga Maanta: geedamaal
qaldhicid  eeg qaldhac². ld qaldhocod, qallicid, qallixid.
qaldhocod  ld qaldhicid.
qaldhow  Orodka uu awr qooqani ordo mar uu dagaallamayo.
qaldid  eeg qalad².
qalee  Bariis inta aan biyaha lagu darin dallac ku shiilid.
qaleyn  eeg qalee. ld qaleys.
qaleys  ld qaleyn.
qaleysan  Wax la qaleyey ahaansho (hilib, bariis).
qaleysnaan  eeg qaleysan. ld qaleysnaansho.
qaleysnaansho  ld qaleysnaan.
qalfaad1  ld qalfaadid. qalfaad2  Jirrid aad u weyn qorid si u noqdo doon. qalfaadid  eeg qalfaad². ld qalfaad¹.
qalfoof  Oogada nafleyda ee riciraha leh, iskujoogga lafahooda.
qalfoon  1. Wax gudo leh oo dubkii sare oo muuqda mooyaane aanay hoosta waxba kaga jirin. 2. ld qamboob 3. Geed faalala oo miro kulkulucsan leh oo arigu aad u jecelyahay kana mid ah geedaha wax lagu daaweeyo. 4. Qaybta sare ee lafta madaxa.
qalid  eeg qal². ld qalniin.
qaliid  Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
qalin  1. Qalab af dhuuban oo wax lagu qoro. 2. Lacag (macdan). 3. Summad geela lagu dhigo oo ah diillin daanka loogu jiido si gudub ah.
qalindaar1  Gacan wax qoraysa oo la nuuxiyo ama la taabto oo qoristii ka xumaato. qalindaar2  Gacan wax qoreysa jugsiin. qalindaarasho  eeg qalindaaro.
qalindaarid  eeg qalindaar².
qalindaaro  1. Qalin khad ku darasho. 2. Qof wax ka barasho.
qalinduurre  Nin kutubta wax yar ka yaqaan oo haddana wax ka sheegsheega oo wadaad iska dhiga; kitaabgaab.
qalinjebi  1. Quraan dhammeyn (arday). 2. Tacliin dhammeyn. 3. Ka q.: dugsi sare ama jaamacad la yaqaan ka soo bixid.
qalinjebin  eeg qalinjebi.
qalinmadow  Ardada dugsiga quraanka dhigata.
qalinshubato  Dad sixirka yaqaan oo intay dadka indhasarcaadiyaan wax ka qaata.
qalinshube  Waxyaabaha la isku qurxiyo (siyaakhad) qof ka sameeya qalin iyo dahab.
qallaafo  Hogfo.
page : 21 of 86
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>