Ereyga Maanta: xasaw
qadow2  Geed qadow bixin. qadsan  ld qatan.
qadsanaan  ld qatanaan.
qadsanaansho  ld qatanaan.
qadsanow  ld qatanow.
qadwid  eeg qadow².
qafaal1  1. Si xoog ah oo cid loo kaxeeyo si dano laga lahaa loogu fushado. 2. Meel dhir lahayd oo la baneeyo si beer looga dhigto. qafaal2  1. Cid xoog ku kaxayn si dan laga lahaa loogu fusho. 2. Meel dhir ka bannayn si beer looga dhigo. qafaalan  Wax la qafaalay ahaansho.
qafaalasho  eeg qafaalo.
qafaalid  eeg qafaal².
qafaalnaan  eeg qafaalan. ld qafaalnaansho.
qafaalnaansho  ld qafaalnaan.
qafaalo  Cid xoog ku kaxeeysasho si dan laga lahaa loogu fushado.
qafal  Ciyaar dubno labada dhinac ka xirid iyada oo dhagax kale la gelin karin.
qafalmardax  1. Qof dabeecad xun leh. 2. Wax aan si wanaagsan u habeysnayn. 3. Arrin iwm oo aan la garan karin waxna laga qaban karin. ld qafalmarjac.
qafalmarjac  ld qafalmardax.
qafas  1. (-syo, m.dh) ld qafis. Sanduuq shabaq ka samaysan oo shimbiraha, ugaadha iwm lagu hayo. 2. Qasac yar oo maar ah, qaada tiro xabbado ah oo buntuqa, bistooladda iwm la geliyo.
qafil1  1. Shey bir ka samaysan oo gacan yar oo qoolaaban iyo duleel yar oo uu furaha galo leh, oo faseexadda albaabka, sanduuqa iwm lagu xiro. 2. ld qafilid. 3. quful ¹, qunful¹. qafil2  Albaab, sanduuq iwm faseexaddooda qafil ku xirid. ld quful², qunful². qafilan  Wax qafil ku xiranyahay ahaansho. ld qufulan, qunfulan.
qafilasho  eeg qafilo. ld qufulasho, qunfulasho.
qafilid  eeg qafil². ld qafil¹ (2), qafil¹, quful¹, qufulid, qunful.
qafilnaan  eeg qafilan. ld qafilnaansho, qufulnaan, qufulnaansho, qunfulnaan.
qafilnaansho  ld qafilnaan.
qafilo  Albaab, sanduuq iwm qafil ku xirasho. ld qufulo, qunfulo.
qafis  ld qafas (1).
qafish  Nooc kalluunka ka mid ah oo diilimo cad iyo guduudan leh.
qaflad1  Kedo; lamafilaan. qaflad2  Xirmidda ciyaar dubnadeed labada dhinac ka xiranto iyada oo dhagax kale aan la gelin karin. ld qaflo¹.
page : 16 of 86
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>