Ereyga Maanta: bedertami
qaflamid  eeg qaflan¹.
qaflan1  Wax labada dhinac ka xiran noqosho (ciyaar dubnadeed). qaflan2  Wax qaflan lagu sameeyay ahaansho (ciyaar dubnadeed). qaflanaan  eeg qaflan². ld qaflanaansho.
qaflanaansho  ld qaflanaan.
qaflasho  eeg qaflo².
qaflid  eeg qafal.
qaflo1  ld qaflad². qaflo2  Ciyaar dubno labada dhinac ka xirasho iyada oo aan dhagax kale la gelin. qafro  ld qorfo.
qahar1  Dhibaato lagala kulmo hawl, socod iwm oo la qabto. ld qaxar¹. qahar2  Cid dhibaato gaarsiin. qahraan  1. Q. ah: qof dhibaato badan. 2. Qof dhibban oo talo ku barraahsatay. ld qaxraan.
qahran  Qof la qahray ahaansho. ld qaxran.
qahranaan  eeg qahran. ld qahranaansho, qaxranaan, qaxranaansho.
qahranaansho  ld qahranaan.
qahrid  eeg qahar². ld qaxrid.
qahwe  ld qaxwe.
qajaaful  ld qanjaaful.
qajaar  Miro yaryar oo cagaaran oo qudaar ahaan loo cuno.
qajac  Qaniis.
qajajac  Hadal badan oo aan macne lahayn.
qajeel1  1. Rajo. 2. Sida badan, marar badan, badanaa. Tus. “Qajeel buu yimaadaa”. qajeel2  Wax rajo ka qabid. qajeelid  eeg qajeel².
qal1  Labada fuq ee afka middood; daan. qal2  1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye. qal-aboodi  Firiiric yar yar oo cuncun leh oo oogada dadka ka soo yaaca kolka ay qorraxdu kulushahay (kulayaaha).
qalaad1  Cida orgiga marka uu riyaha orgeynayo. qalaad2  Orgi qooqan ciyid.
page : 17 of 86
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>