Ereyga Maanta: qaflad
qalbisamaansho  ld qalbisamaan.
qalbisami  ld qalbisamo, qalbisnaan.
qalbisamo  Samaan cidi uurka ku haysa; niyadsami. ld qalbisami.
qalbisamow  Cid wax niyaddiisu fiicantahay noqosho.
qalbisan  1. Qof niyad wanaagsan ahaansho; niyadsan. 2. Ku q.: cid kalsooni ku qabid.
qalbisnaan  ld qalbisamaan.
qalbisnaansho  ld qalbisamaan.
qalbixumaan  eeg qalbixun. ld qalbixumaansho.
qalbixumaansho  ld qalbixumaan.
qalbixume  Cid wax ay ku qalbixumaato ku samayn.
qalbixumeyn  eeg qalbixumee.
qalbixumi  ld qalbixumo.
qalbixumo  Xumaan cidi uurka ku hayso.
qalbixumow  Cid wax niyaddu ka xumaatay noqosho.
qalbixun  1. Cid tiiraanyo hayso ahaansho. 2. Cid aan niyad wanaagsan lahayn ahaansho.
qalcad  Dhismo xoog badan oo dhagax ka samaysan oo waayadii hore cadowga laga geli jiray. ld calqad, qalco.
qalco  ld qalcad.
qaldamid  eeg qaldan¹.
qaldan1  1. Wax, wax kale ku qasan yihiin noqosho. 2. Cid gefsan noqosho. qaldan2  1. Wax si aan sax ahayn loo sameeyay ahaansho. 2. Wax gefsan noqosho. qaldanaan  eeg qaldan². ld qaldanaansho.
qaldanaansho  ld qaldanaan.
qaldhac1  Qori loo kala jeexay laba qalbac oo dabada looga xiro si uu saalada iyo neefta ugu cesho hal la doonayo in la oggolaysiiyo ilmo aysan dhalin. ld qallac¹, qallax¹. qaldhac2  Qaldhac dabada uga xirid (hal). ld qallac², qallax². qaldhacan  ld qallacan.
qaldhacnaan  ld qallacnaan.
qaldhacnaansho  ld qallacnaan.
qaldheb  1. (f.g) Si degdeg ah biyo u cabbid (xoolo). 2. (f.mg) Awr wax uu rabo in uu dilo u fara baxsasho. ld qaldhex.
qaldhebid  eeg qaldheb.
qaldhex  -xey, -xday ld qaldheb.
page : 20 of 86
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>