Ereyga Maanta: bedertami
qalaadid  eeg qalaad².
qalaamaanyo  Nafley aan nooc wada ahayn oo wada jirta. ld qalamaanyo.
qalaanqal1  Qas; qulqulad; wareer. qalaanqal2  1. Qas; qulqulad; wareer. 2. Geed-abaareed higlada u eg aan qodxo lahayn leh miro yaryar oo cas cas, dambaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo laga dhigto, oo xooluhu daaqaan. qalaanqalmadow  Nooc qalaanqalka ka mid ah oo caleemahiisu aad u cagaaran yihiin.
qalab  1. Alaabta wax lagu qabsado ama lagu dhaqmo oo dhan. 2. Hubka lagu dagaalamo oo dhan. 3. (muus.) Qalabka muusikada.
qalabayn  eeg qalabee.
qalabee  1. Meel qalab u yeelid. 2. Cid hubeyn.
qalad1  Samaynta wax, fal, hadal iwm. loo sameeyo si aan sax ahayn; gef. qalad2  1. (f.g) Wax si aan sax ahayn u samayn. 2. (f.mg) Ku q.: wax, wax kale oo aan ku habbooneyn ku qasid. qalaggoo  Nafley qalo ka bi'id.
qalaggoyn  eeg qalaggoo.
qalal  (daaw.) Isku roorid muruqeed oo aan qofku ogeyn keentana qalqalloc jirka iyo addimada.
qalalaas  Degganaan iyo xasilooni la'aan. ld qalalaase, qalalaaso.
qalalaase  ld qalalaas.
qalalaaso  ld qalalaas.
qalalab  Si shanqar iyo buuq leh oo wax isaga dabadhacaan; rabshad.
qalalabi  Wax si dhaqso leh u sameyn.
qalalabin  eeg qalalabi.
qalalabsasho  eeg qalalabso.
qalalabso  Wax si dhaqso ah u cabbid.
qalamaanyo  1.Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah.
qalami1  ld qalammi. qalami2  Nafley yar oo indha waaweyn leh oo cagaha iyo dabada daanyeerka uga eg, wejiga iyo dhegahana dawacada ugu eg; geedatiris. qalammi  Shiraac yar. ld qalami¹.
qalan1  1. Wax la qalay noqosho (nafley). 2. U q.: wax, wax istaahilid. qalan2  1. Wax la qalay ahaansho (nafley). 2. U q.: wax, wax istaahila ahaansho. qalanjo  1. Maroodiga dheddig. 2. (riw.) Haweeney jisha qeybta ugu muhiimsan ee filin ama riwaayad. 3. Naag aad u qurux badan.
qalasho  eeg qalo².
qalaw  1. Kalagoyska cududda iyo garabka. 2. Xanuun ku dhaca kalagoyska cududda iyo garabka.
page : 18 of 86
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>