Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
qalawille  Geed-abaareed gaaban oo higlaha u eg qodaxna lahayn oo waqtiga jiilaalku dheeraado xoolaha caleentiisa lagu barbixiyo.
qalawle  1. Geel guran ah. 2. Muqmad aan subag iyo dufa midna lahayn. 3. Cantalaay.
qalawo  1. Dhis yar oo waxaraha la geliyo. 2. Dhismo yar oo loogu gabbado dugaag la rabo in la dilo. ld qalwo (2).
qalax  1. Q. ah: dhul dhagax badan oo oomane ah. 2. Nooc ka mid ah dhulmanta waaweyn oo laba qalbac leh.
qalayn  eeg qalee. ld qalays.
qalays  ld qalayn.
qalaysan  Wax qudrad, subag iwm muddo yar lagu shiilay ahaansho (hilib).
qalaysasho  eeg qalayso. ld qalaysi.
qalaysi  ld qalaysasho.
qalaysnaan  eeg qalaysan. ld qalaysnaansho.
qalaysnaansho  ld qalaysnaan.
qalayso  Hilib muddo yar qudrad, subag iwm. ku shiilasho.
qalbac  Labada fuq ee isle'eg, xalleefsan, isku aabburan oo miruhu leeyihiin middood.
qalbi  (quluub, m.dh) 1. Laab; kal. 2. Xasuus.
qalbidaciif  Q. ah: qof garasho yar.
qalbifarnaan  ld qalbifurnaan.
qalbifarnaansho  ld qalbifurnaan.
qalbifuran  Cid niyad wanaagsan leh ahaansho.
qalbifurnaan  eeg qalbifuran. ld qalbifarnaan, qalbifarnaansho, qalbifurnaansho.
qalbifurnaansho  ld qalbifurnaan.
qalbifurnow  Niyad wanaagsan yeelasho. ld qalbifurrow.
qalbifurraan  ld qalbifurnaan.
qalbifurraansho  ld qalbifurnaan.
qalbifurrow  ld qalbifurnow.
qalbijab1  1. Dareen murugo leh oo ku dhasha qof wuxuu rabo waayey. 2. ld qalbijebid. ld niyadjab¹. qalbijab2  Wax ka rajo dhigid. qalbijebi  Cid qalbijab ku ridid.
qalbijebid  eeg qalbijab². ld qalbijab¹.
qalbijebin  eeg qalbijebi.
qalbisamaan  eeg qalbisan. ld qalbisamaansho, qalbisami, qalbisnaan.
page : 19 of 86
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>