Ereyga Maanta: gurguurto
rasaasee   Wax xab-bad ku ridid. ld risaasee.
rasan   Qof aan nadaafadda ku dadaalin ahaansho.
rasayn  eeg rasee. ld rasays.
rasays  ld rasayn.
rasaysan   Wax la raseeyay ahaansho.
rasaysasho  eeg rasayso.
rasaysnaan  eeg rasaysan. ld rasays-naansho.
rasaysnaansho  ld rasaysnaan.
rasayso   Alaab si habaysan isu dul saarasho.
rasee   Alaab si habaysan isu dul saarid.
rash  1. Xabbad baaruud kala firirta leh oo lagu laayo shimbiraha iwm. 2. Qa-raaxad ka kooban xaashi adag oo ay baaruudi ku jirto oo inta badan iidaha iyo xafladaha la rido. 3. R. ah: bunduqa lagu rido xabbadaha rashta.
rasi  Nadaafaddarro iyo kala daad-sanaan.
rasiid   Warqad qoraal ah oo la siiyo qof lacag laga qabtay.
rasiin  R. ah: shaah caleenta iyo sonkortuba ku badan yihiin.
rasiley  R. ah: naag baali ah.
rasmi  1. R. ah: wax dhab ah. Tus. “War r. ah baa la ii soo sheegay”. 2. R. ah: wax tayo wanaagsan. Tus. “Saacad r. ah baan soo iibsaday”.
rasmiyee   Wax rasmi ka dhigid.
rasmiyeyn  eeg rasmiyee.
rasnaan  eeg rasan. ld rasnaansho.
rasnaansho  ld rasnaan.
raso   1. Khaanado dusha ka bannaan oo lagu sameeyo dukaamada lana saaro alaabta la gadayo. 2. Habka la isu dulsaaro alaabo.
raso-barafeed  (juqr.) Baraf gogol aad u kala fidsan oo sabbaynaya oo ku fidsan arriig badeedka, tusaale: raso badeedka Ross ee Antaartika, oo daboosha in ku dhaw 414,000 km.2 (160,000 m.2) oo bad ah.
raso-qaaradeed   (juqr.) Gogosha badda ee garabka ku haysa qaaradaha oo ay ku daboolan yihiin biyo gun gaaban. Sida caadiga ah guntaas biyuhu waxay xirtaa ilaa 600 oo cagood (182.9mmitir)
rasto   Waddada baabuurtu marto.
rasuul  (rusuul, m.dh) (dii.) Nabi Ilaahay ku amray inuu cid kale gaarsiiyo waxyi loo soo dhiibay.
rasuulnimo  Rasuul ahaansho.
rati  Lab geel oo da'dii rarashada gaaray.
ratib1  ld raatib; ld ratibid. ratib2   Hawl fulinteeda cid u xilsaarid. ratiban   U r.: cid hawl fulinteeda u xilsaaran ahaansho.
page : 19 of 40
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>