Ereyga Maanta: gurguurto
ratibid  eeg ratib². ld ratib¹ (2).
ratibnaan  eeg ratiban. ld ratib-naansho.
ratibnaansho  ld ratibnaan.
ratiina  (c.nafl.) Xuub xasaasi u ah ilayska oo ku dhereran gudaha hore ee isha. Retiinuhu wuxuu ka koobanyahay laba lakab. Lakabka hoose, wuxuu ka koobanyahay unugyo dareenwade, dhuu-mo dhiig iyo laba nooc oo unugyo xasaasi u ah ilayska. Lakabka sare wuu midabay-sanyahay, kaas oo ka hortagga ilays noqod-ka dambe ee ilayska.
rawaajiic  Nooc ka mid ah xarkaha doonyaha.
rawax1   Dhul bannaan oo sarreeya dhagaxna leh. rawax2   Hawl-maalmeed wakhtigeedii dhamaaday ka nasasho tegid. rawaxaad  Xilliga shaqada laga baxo.
rawaxid  eeg rawax².
raxaabasho  eeg raxaabo.
raxaabo   Wax hadba dhan u liicid.
raxan1  Hanti. “Reer iyo r. ma leh”; xoolo la dhaqdo. raxan2  Koox dugaag ama ugaar ah oo wada socoda. raxanreeb  Geed quwaax gaaban leh qodxo dhaadheer oo xooggan, diir cad iyo xanjo.
raxiin  1. Magacyada Eebbe mid ka mid ah. 2. R. ah: qof naxariis badan. ld raxiim.
raxli   Laba loox oo xalleefyo ah oo mar la isgelin karo marna la kala bixin karo, oo kitaabbada dusha laga saaro marka la akhrinayo. ld rixli.
raxmad  Dareen naxariis iyo turaal leh oo dadku gaar u leeyahay.
ray   1. Cid dagaal ama tartan ku guulaysasho. 2. Ka r.: cid xaalad liidata oo ay ku jirtay ka soo wanaag-sanaan.
raybosoom   (baay.) Jidh yar oo dhululubaysan oo ku dhexjira unug nool, kaas oo ah halka lagu sameeyo borotiinka. Raybosoomyadu waxay ka koobanyihiin nooc RNA oo la yidhaahdo RNA ribosoomaysan iyo borotiin.
raybows   (kiim.) Monosakaraydh (C H O) oo inta badan aan keligeed laga helin dabeecadda, laakiin muhim ah sida RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyey dhayogsiribows (C H O) oo muhimad la mid ah leh waxyaabaha ay ka koobantahay DNAdu, taas oo qaadda taxanaha hiddaha koromosoomyada.
raydab  Geed weyn, toos u baxa, oo aan qodax lahayn oo udbaha iyo tiirarka laga goosto.
rayfal   Buntukh dheer oo qaada 11 (kow iyo toban) xabbadood oo markiiba ay ka dhacdo hal rasaas.
rayfe  Diifta qof ka muuqato nafaqo xumo awgeed.
rayid  1. Shacbiweynaha aan askarta ahayn. 2. Shacbiweynaha inta aan dawlad-da u shaqayn. ld rayad.
rayidnimo  Rayid ahaansho.
rayiis   Meel u furan in timaha lagu jaro ama lagu habeeyo; baarbiyeeri. ld rayiisle (2).
rayiisle   1. Nin xirfaddiisu tahay jaridda iyo habaynta timaha; baarbiyeeri. 2. ld rayiis.
rayn  eeg ray.
rays  Ciid qoyan oo roob ku da'ay.
raysad  ld raysasho.
page : 20 of 40
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>