Ereyga Maanta: hirqad
ranso   ld ramo.
raq1  Neef xoolaad oo dhintay ama la qalay. raq2   1. Hoore afka ku cabbid iyada oo aan la adegsanayn gacmaha (qof). 2. Xoolo biyo waran cabbid. raqad   Badar iwm cajiin ka dhigid. ld radaq.
raqas  Wasakhda hoore meel ku jira hoos uga degta.
raqay  1. Geed dheer, caleemo yaryar, oo dhalo miro quullaha u eg oo dhanaan; xamar. 2. Miraha geedka raqayga.
raqdan   Badar wax la raqday ahaansho. ld radqan.
raqdanaan  eeg raqdan. ld raqda-naansho, radqanaansho.
raqdanaansho  ld raqdanaan.
raqdid  eeg raqad. ld radqid.
raqid  eeg raq².
raqiis1  1. R. ah: wax qiimaha lagu gadayo yar yahay. 2. R. ah: hadal murti iyo macno yar. raqiis2   Wax qiimaha lagu gado hoos u dhicid. raqiisi   Wax qiimaha lagu gado hoos u dhigid.
raqiisid  eeg raqiis².
raqiisin  eeg raqiisi.
raqle  Orod tartiib ah oo gammaanku sameeyo. ld ragle.
raqlee   Gammaan raqle samayn. ld raglee.
raqleyn  eeg raqlee. ld ragleyn.
raqo  Urur xiddigo ah gu'ga soo baxa ka kooban toddoba lana kala yiraahdo: godin, listan, lixo, cadaad, aqaalli-guduud, aqaalli cad iyo afaggaal.
raquus1  1. Dhex gelidda wax dhex galo carro, dhoobo iwm. 2. Camajuujin wax la camajuujiyo. ld ruquus¹. raquus2   Wax, carro, dhoobo iwm gelgelin. ld ruquus². raquusid  eeg raquus². ld ruquusid.
rar1  1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo. rar2   Gaadiid culaab saarid. raragubyo  Xanuun awrku dusha ka dareemo marka uu muddo dheer rarnaado.
raragubyoo   Rara-gubyo dareemid (awr).
raragubyood  eeg raragubyoo.
raran1  Ciid kulul. raran2   Gaadiid wax culaab la saaray noqosho.
page : 17 of 40
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>