Ereyga Maanta: hiilley
raysasho  eeg rayso. ld raysad.
raysmaggaadho  ld raysmaggaarto.
raysmaggaarto  Cagta hoose meesheeda godan ee aan dhulka taaban marka qofku soconayo. ld raysmag-gaadho.
rayso   1. Nafley cudur ka bogsasho. 2. Ka r.: nafley xaalladdii hore ee ay ku sugnayd mid ka wanaagsan gelid.
raysoom   (bot.) Jirid gudban oo dhulka hoostiisa marta. Waxay siisaa geedka awood uu kaga gudbo xilli una gudbo mid kale. Waxay noqon kartaa mid dhuuban oo qalqalloocan, mid jiidh leh ama mid bararsan.
raytool   Lab hal xiniin ka maqantahay; xiniinka.
raytoolnimo  Raytool ahaansho.
reeb1   1. ld reebe. Fargashi dhumuc yar oo kaatumada waaweyn lagu xannibo; marwad. 2. ld reebe. Ilmo dhashay xilli ku aaddan xiddigga reebanti oo dadku sharaysto. 3. Hambo. reeb2   1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iwm cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid. reeban   1. Wax samayntooda iyo cuniddooda la diiddanyahay ahaansho. 2. Laba xaraf wax shaqal la iskula xiray ahaansho.
reebanti  1. Magac xiddig dadku sharaystaan. 2. Qof dhasha xilliga xiddigga reebanti uu muuqdo.
reebasho  eeg reebo.
reebban   Fal samayntiisa la xaaraantinnimeeyey ahaansho.
reebbanaan  eeg reebban. ld reebbanaansho.
reebbanaansho  ld reebbanaan.
reebe  ld reeb.
reebi  Biyaqabatin weyn ku sameysma buuraha agtooda.
reebid  eeg reeb². ld reebis.
reebis  ld reebid.
reebnaan  eeg reeban. ld reebnaan-sho.
reebnaansho  ld reebnaan.
reebo   1. Wax la bixinayo qaar la harid. 2. Wax fal xun ka celin.
reebtoomid  eeg reebtoon.
reebtoon   Ka r.: cid fal xun oo ay samayn jirtay ka waantoobid.
reeci   Waran, ul, fallaar iwm dalfin.
reecin  eeg reeci.
reed   Dhinac; gees; baal; dhan.
reeme   1. (muus.) Durbaan weyn. 2. (c.nafl.) Xuub yar oo u dhexeeya dhegta qaybteeda sare iyo midda hoose.
reemid  eeg reen². ld riimid.
reen1  1. Cod ay samayso hal dhashay marka ay ilmaheeda nuujin la rabto; dunuunuc. 2. Cod ka soo baxa qof sad u buka; jibaad; taah; talal. 3. Dhawaaq weyn oo libaaxu sameeyo. ld riin¹.
page : 21 of 40
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>