Ereyga Maanta: dalankacee
rakaabsad  ld rakaabsasho.
rakaabsasho  eeg rakaabso. ld rakaabsad, rakaabsi.
rakaabsi  ld rakaabsasho.
rakaabso   1. Rakaab gaadiid ku rarasho. 2. Qof gaadiid fuulid.
rakaad1  Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan. ld rakaadid. rakaad2  1. Muddo hal seken ah inta hir ee ka gudba bar. 2. Inta walhasho ee walhade sameeyo muddo hal seken ah. 3. Inta goor ee uu ku dhex dhaco waqdhac ama la fisho in uu ku dhex dhaco koox ama qayb huban. rakaad3   (fiis.) Summad f. Dhakhsaha celcelinta dhacdo hable. Tirada meertada ama wareegga hir ama walhasho ama gariir ee halkii seken ayaa lagu tibaaxaa heertiis (wareeg halkii seken). eeg Heertis. rakaad4   Xoolo biya cabbay mar kale ka dherjin. rakaadasho  eeg rakaado.
rakaadi   ld rakaad².
rakaadid  eeg rakaad². ld rakaad¹, rakaadin, rakaadis.
rakaadin  ld rakaadid.
rakaadis  ld rakaadid.
rakaado   Xoolo biyo ka kamiin jabiyey mar labaad cabbid.
rakacad  ld rakcad.
rakcad   (dii.) Dhaqdhaqaaq salaadeed oo ka kooban, taagnaan ay ku xigto hal rakuuc, kor u toosid iyo laba sujuudood. ld ragcad, rakacad.
rake  1. Rah. 2. Xayawaan yar oo walada u eg oo had iyo jeer dabada kor u taaga; dabariyoodle.
rakib   Qalab xubnihiisu kala daadsan yihiin ama isku daadsanyihiin la isku xirxiro.
rakiban   Qalab, wax la rakibay ahaansho.
rakibasho  eeg rakibo.
rakibid  eeg rakib.
rakibnaan  eeg rakiban. ld rakib-naansho.
rakibnaansho  ld rakibnaan.
rakibo   Shay xubnihiisu kala daadsan yihiin isku xirxirasho.
rako   1. Meel sare oo ku taal dusha geed, dhismo iwm oo wax la saarto ama la fuulo. 2. Meel ciriiri ah.
rakooc1  Madax in yar hoos u liicinta qof sameeyo hurdo darteed. ld rakoocid. rakooc2   Muddo yar hurdo darteed madaxa hoos in yar u liicin (qof). rakoocid  eeg rakooc². ld rakooc¹.
rakuub   Awr fuullimaad loo jarabaray.
rakuubley  Ciidan rakuubta gaadiid-sada.
page : 15 of 40
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>