Ereyga Maanta: hirqad
rifrif1  1. Timo si xun loo xiiray. 2. Ganka ay yeeshaan maro, derin iwm. 3. Cad-cad ka haray wax la kala googooyay. rifrif2   1. Timo, dhogor iwm si aan sinnayn u xiirid. 2. Waraaq, maro iwm cadcad yaryar u googooyn. rifrifad  ld rifrifasho.
rifrifan1   Timo, dhogor, derin, xaashi iwm, wax rifrifmay noqosho. rifrifan2   Timo, dhogor, waraaqo iwm, wax la rifrifay ahaansho. rifrifasho  eeg rifrifo. ld rifrifad.
rifrifid  eeg rifrif².
rifrifmid  eeg rifrifan¹.
rifrifnaan  eeg rifrifan². ld rifrifnaansho.
rifrifnaansho  ld rifrifnaan.
rifrifo   Laf hilib ka feenasho.
rigaax1  Daal iyo jiiro go'. rigaax2   1. (f.g) Wax si aad ah u burburin. 2. (f.mg) Daal iyo jiiro go'dareemid. rigaax3  ld riyaax¹. rigaaxid  eeg rigaax².
rigayn  eeg rigee.
rigaysad  ld rigaysasho.
rigaysan   Ciidan wax meel ku safan ahaansho.
rigaysasho  eeg rigayso. ld rigaysad, rigaysi.
rigaysi  ld rigaysasho.
rigayso   1. Cid, koox maskaxdeeda soo jiidasho. 2. Ciidan si habaysan meel ugu safasho.
rigee   Ciidan si habaysan meel ugu safid.
rigli  R. ah: wax joogto ah.
rigo  Isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.
rigoo   Ciidan rigo u istaagid.
rigoore   Laad xor ah oo laga gano meel 11 (kow iyo toban) tallaabo u jirta goolka afkiisa (kubbadda cagta).
rigrig1  Tolmo lagu celceliyo, la adkeeyo. ld rigrigo. rigrig2   Weel rigrigo afka kaga tolid. rigrigan   Wax rigrig lagu tolay ahaansho (weel).
rigrigasho  eeg rigrigo².
page : 25 of 40
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>