Ereyga Maanta: hirqad
rigrigee   Weel rigrigo u yeelid.
rigrigeyn  eeg rigrigee.
rigrigid  eeg rigrig².
rigrignaan  eeg rigrigan. ld rigrig-naansho.
rigrignaansho  ld rigrignaan.
rigrigo1  1. ld rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay. rigrigo2   Weel rigrig ku tolasho. riibi  Dhuug; gendi.
riibibax1  Qaxidda laga qaxo meelaha riibigu ka kaco. riibibax2   Meel riibi leh ka qaxid. riibibixid  eeg riibibax².
riibisheex  Neef xoola ah oo cudurka riibiga guri ka ah.
riig1   Mishiin culus oo ceelasha dhaadheer lagu qodo si biyo, macdan iwm looga soo saaro. riig2  R. ah: hilib dhaylo ah. riigbax1  1. R. ah: weel gaaray waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa. 2. ld riigbixid. riigbax2   Weel waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa gaarid. riigbixid  eeg riigbax². ld riigbax¹ (2).
riiji   1. Wax liiliijin ama gilgilid. 2. Nafley nafaqo siin.
riijin  eeg riiji.
riimid  eeg riin².
riin1  ld reen¹. riin2   ld reen². riinje  Quwaaxa meseggada nooca la ruugo oo macaan biyo badanna leh; kiinje.
riiq1   1. Iligga intiisa cirridka ku dhex-jirta. 2. Birta faaska inteeda dhuuban ee daabka la dhex-geliyo. riiq2  Adkeysiga loo yeesho orodka muddo dheer. ld riir². riiq3   1. Badar cajiimid. 2. Dhuxul budlin si khad looga dhigo. riiqan1   1. Wax riiqmay noqosho (badar, dhuxul iwm). 2. Neef xoolaad wax caato la socon waayey noqosho. riiqan2   Wax la riiqay ahaansho (badar, dhuxul iwm). riiqasho  eeg riiqo.
riiqid  eeg riiq³.
page : 26 of 40
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>