Ereyga Maanta: Diilalyo
soddogow  Soddog noqosho.
soddoh  1. Haweeney gabadha ay dhashay ninka qaba waxa ay u tahay ama haweeney wiilka ay dhashay gabadha uu qabo waxa ay u tahay. 2. Haweeney gabadh leh.
soddohnimo  Soddoh ahaansho.
soddoho  Dabayl weyn, qashin iyo boor badan oo cirka isku sha-reerta.
soddohoobid  eeg soddohow.
soddohow  soddoh noqosho.
soddomaad1  Taariikhda u dhexeysa bilawga soddonka iyo afartanka. ld soddo-naad¹. soddomaad2  Tirada jagaalada ah kan soddonka u dhigma. ld soddonaad. soddomeeye  ld soddomeeyo.
soddomeeyo  Tiro soddon ku dhawaad ah. ld soddomeeye.
soddon  Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
soddonaad1  ld soddomaad¹. soddonaad2  ld soddomaad². soddoneeye  Tiro qiyaas ahaan soddon u dhow. ld soddomeeye.
sogob  Orgi xaniinyo bax-san.
sogordah1  Maldahidda hadal iwm la maldaho. ld sogordahid. sogordah2  Hadal iwm maldahid; wax sarbeebid. sogordahan  Hadal wax la maldahay ahaansho.
sogordahid  eeg sogordah². ld sogor-dah¹.
sogordahnaan  eeg sogordahan. ld sogordahnaansho.
sogordahnaansho  ld sogordahnaan.
sogsog  1. Geed weyn, bilcilka u eg oo xabag iyo mayrax leh. 2. S. ah: nafley caato ah.
sokay  ld soke.
sokayn  eeg sokee.
soke1  Meel durugsan, halka ka sokeeya; meel dhow. Tus. “Togga sokadiisa ayay degganyihiin”. soke2  ld suke. sokee  Wax, wax kale ka dhow noqosho.
sokeeye  Dad xiriir wada dhalasho wadaaga; xigto; qaraabo.
sokeeyennimo  Sokeeye ahaansho.
sokor  Dhacaan aad u macaan oo geedka qasabka laga miiro, oo inta la farsameeyo laga dhigo budo badanaa cadcad oo wax lagu macaansado. ld son-kor.
page : 99 of 118
<< < 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 > >>