Ereyga Maanta: bedertami
soor1  1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan. soor2  1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto. soor3  1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. ld sooryee. sooran  Wax si isla eg loo qaybiyey ahaansho.
soore  1. Qofka sooryada bixinaya. 2. Qaybiye; kalabbare. 3. Sinji noolaha ka mid ah kaasi oo dushiisa ama gudihiisa uu ku noolyahay dulin, marka uu qaangaadhana dhaawac uu geysta ama dila.
soorgad  S. leh: qof had iyo jeer caato ah oo aan cuntadu hilib ku kordhin.
soorid  eeg soor³. ld sooryayn, sooryays.
soormaweydo  Xilli guga bartankiisa ah oo roob badani da'o.
soornaan  eeg sooran. ld soor-naansho.
soornaansho  ld soornaan.
soorsugaal  Cunto yar oo cunto dab saaran lagu sii sugo.
sooryaggal  S. ah: wax in laysku sooro u qalma.
sooryaggalnimo  Sooryaggal ahaansho.
sooryayn  ld soorid.
sooryays  ld soorid.
sooryee  ld soor³.
sooryo  1. Cunto la siiyo dad marti ah. 2. Hanti la siiyo gabar la soo doontay tolkeed.
soos  Xasillooni-darro; buuq.
soosaare  (riw.) Riwaayad, filin iwm qofka samayskeeda isku dubbarida ee soo saara.
soosaarid  1. (kiim.) Dariiqada lagaga soo saaro bir macdanteeda. 2. (kiim.) Ka soocidda walax laga soocaayo iskujir iyadoo la adeegsanaayo milmidda xula-shada leh.
soosare aasaasi ah  Noole loo tixgeliyo inuu il-tamareed u yahay noolayaasha ka sarreeya, marka laga eego dhinaca silsiladda cuntada. Tus. “Dhirta cagaaran, kuwaasoo tamarta ilayska u beddela tamar kiimikeed”.
sootoli  1. Maxaar dheer oo lagu tolo jawaanada, qobtollada iwm. 2. Xarig dufta jawaanka ka samaysan oo loo isticmaalo tolidda jawaanada, qobtol-lada iwm. ld shootoli.
sooyaal  (taar.) Wixii la soo maray oo jiilba uu jiil ka soo gaaray; dhacdooyin taariikheed oo isdabayaal keydintood ama sahamo.
sooyaamid  eeg sooyaan².
sooyaan1  Qaylo; buuq. sooyaan2  1. Nafley qaylin. 2. Nafley daalid. sow  Armaa, billaa, malaha. Tus. “Sow sidaa ma aha? Sowtaad tiri waan imaa-naya? Sow iga tagee.” ld saw, show, soo¹.
sowjar  ld sawjar.
sowjarnimo  ld sawjarnimo.
sowrac  Tilmaan muuqaal ee uu wax gaar u leeyahay.
page : 104 of 118
<< < 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 > >>