Ereyga Maanta: Diilalyo
sokornabaad  Sonkor kuuskuusan oo badanaa sida nacnaca carruurtu u cunto; sonkordhagax. ld sokornabaad.
sokow  Ka s.: waxa ka dambeeya.
sol  1. Hilib iyadoo aan weel iyo biyo la isticmaalin dab ku bislayn. 2. Biyo ku harraad-belid. ld sal³.
solan  Wax la solay ahansho.
solansii  Ilaah, cid wax garansiin.
solansiin  eeg solnsii.
solasho  eeg solo.
solay  Hilib iyadoo aan biyo iyo weel la isticmaalin dab lagu bisleeyey.
solid  eeg sol. ld salid, solniin.
solnaan  eeg solan. ld solnaansho.
solnaansho  ld solnaan.
solniin  ld solid.
solo  Hilib iyadoo aan biyo iyo weel la isticmaalin dab ku bislaysasho.
sonkor  ld sokor.
sonkor-caanood  (baay.) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
sonkornabaad  ld sokornabaad.
sonkorow  Cudur dadka ku dhaca oo kaadida maceeya, gaajo iyo harraad badanna keena.
soo1  ld sow. soo2  1. Qurub tilmaamaya in falku uu u jeedo dhinaca hadlaha ama yeelaha. Tus. “Soo gal! Hoosta u soo deg! Ii soo sheeg!”. 2. Qurub tilmaamaya in falku uu keenayo sii aadid iyo soo noqosho. Tus. “Cali soo eeg! Hilib baan soo iibsanayaa”. soo dhac  (kiim.) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.
soo-dhac  Sameeyay, la qabtay, dhacaya, ama la doortay iyada oo aan la marin hanaan ama go'aan miyir leh. magac: qof aan la aqoon, la ogeyn, ama qof aan caadi ahayn. English: Random.
sooc1  S. ah: wax xul ah. sooc2  1. Wax intooda fiican la bixid. 2. Kala s.: wax isku jira noocyadooda kala saarid. soocad  ld soocasho.
soocan1  Wax la kala soocay noqosho. soocan2  Wax la kala soocay ahaansho. soocanti  Wax badan oo isku jira intooda fiican oo gaar loo saaro.
soocasho  eeg sooco. ld soocad.
soocelin  (taar.) Soo celintu waxay ahayd dhacdo dhacay 1660, markii Jaarleskii 2aad uu noqday boqorkii Ingiriiska, ka dib waqtigii uu noqday boqor iyo boqoradda la'aan.
soocid  eeg sooc.
page : 100 of 118
<< < 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 > >>